4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 20, 2014
Dibadbax Rabshado wata oo Maanta ka dhacay Degmada Jowhar (SAWIRRO)


Khamiis, Maarso 20, 2014 (HOL) — Dibadbax looga soo horjeedo ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe iyo maamulka gobolkaas ayaa maanta ka dhacay Jowhar, kaasoo saameyn xooggan ku yeeshay howlaha magaalada Jowhar.

Bannaan-baxan ayaa ka dhashay caro ay ganacstada suuqa Jowhar ka qaadeen degmadaas ka qaadeen ciidammo ka tirsan dowladda oo dhac u geystay shalay gellinkii dambe mid ka mid ah ganacstada sariflayaasha ah ee suuqa Jowhar.

Xasan Daa’uud Sheekh Siidoow oo ah sariflaha dhaca loo geystay oo BBC-da la hadlayay ayaa sheegay in ciidamada ka tirsan kuwa dowladda ay ugu yimaadeen suuqa ayna amar ku siiyeen inuu furo sanduuqiisa ay lacagaha ugu jireen, si ay uga baaritaan ugu sameeyaan.

“Ciidamadu waxay i yiraahdeen fur sanduuqa, aniguna waan diiday, balse suuleydii ayaa igu yiri u fur haka baaraan waxay ka shakiyeenne, markaan furay ayay kala baxeen lacag dhowr milyan ah oo Shillinka Soomaaliga ah, wayna iska dhaqaaqeen,” ayuu yiri ganacsade Xasan Daa’uud.

Suuqleyda oo arrintaas ka carooday ayaa saakay abaabulay dibad-baxa ay boqolaal qof ka qayb-galeen, kaasoo saameyn weyn ku yeeshay isku socodka, ganacsiga iyo howlaha guud ee magaalada Jowhar.

Ganacsadaha ayaa sheegay inay u tageen guddoomiyaha gobolka Cabdi Jiinoow oo ay u sheegeen dhacii loo geystay, isaguna uu u sheegay inuu lacagta bixinayo, balse dibadbaxa maanta dhacay uu ahaa mid ay caro keentay.

Dibadbaxayaasha oo boqolaal qof ahaa ayaa waxay socod ku mareen waddooyinka magaalada Jowhar, iyagoo ku qaylinayay erayo ay kaga soo horjeedaan maamulka gobolka iyo ciidamada dowladda ee Jowhar ku sugan.

“Waa markii labaad tan iyo markii ay ciidamada dowladdu yimaadeen Jowhar oo la ii geysto dhac. Markii hore waxaa joogay Jen. Caanood, isaga ayaana lacagtii ay naga dhaceen askarta na siiyay, tanna waa markii labaad ay ciidamada dowladdu  ii geysanayaan dhac,” ayuu hadalkiisa ku daray ganacsade Xasan Daa’uud.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca maamulka gobolka Shabeellada Dhexe iyo kan degmada Jowhar oo ku saabsan dibadbaxa weyn ee maanta ka dhacay degmada Jowhar, kaasoo ka dhashay dhac ay ciidamadu geysteen.



Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya