4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 20, 2014
Wafdi ka socda dowlada Somalia oo shirar ku leh Dhuusa-mareeb (SAWIRRO)


Khamiis, Maarso 20, 2014 (HOL) — Degmada Dhuusa-marreeb ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa xalay illaa maanta shirar kala duwan ay uga socdaan wafdi ka socda dowladda Somalia oo isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno iyo xubno ka tirsan maamulka Ahlusunna Waljamaaca.

Waftigan ka socday dowladda Soomaaliya waxaa hoggaaminaya wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdullaahi Goodax Barre, waxaana qayb ka ah wasiirrada gaashaandhigga, ammaanka, warfaafinta iyo xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan, waxaana halka ay gaareen gellinkii dambe ee shalay.

Mudane C/llaahi Goodax oo hadal kooban warbaahinta siiyay ayaa wuxuu sheegay in socdalkooda uu salka ku hayo u kuur-gelidda xaaladda deegaanka iyo sidii loo dar-dar-galin lahaa la-dagaallanka Al-shabaab, wuxuuna ku daray in dowladda ay garab-taagan tahay bulshada Galguduud.

Wasiirka ayaa hadalkiisa kusoo qaaday inuu farayo shacabka gobolka  Galguduud inay gacan ka geystaan sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Dhinaca kale, waxaa xalay kulan muddo qaatay oo albaabbadu ay u xirnaayeen uu dhex-maray wafdiga dowladda faderaalka ka socday iyo  mas’uuliyiinta Ahlusunna Waljamaaca ee gobolka Galgaduud.

Kulnaka labada dhinac waxaa la sheegay in looga hadlay sidii ciidamada Ahlasunna loogu biirin lahaa ciidanka dowladda oo la qalabeyn lahaa, balse qabka ay dowladda ku rabto waxaa ka biya diiday xubnihii matalayay Ahlusuna Waljamaaca, waxaana la sheegay in lagu kala kacay.

Sidoo kale, waxaa la sheegayaa in mas'uuliyinta Ahlasunna ay aqbaleen sidii ay uga howlgeli lahaayeen deegaannadaas ciidamada ka socda AMISOM iyo kuwa dowlada, halka ay dalbadeen in ciidamadooda ay dagaalka ka qaybgalaan iyagoo Ahlusunna ah.

Waxaa kaloo ay sheegeen xubnihii Ahlasunna ka socotay ee wasiirrada la kulmay in ay doonayaan fulinta heshiisyadii ay horay ula galeen dowladda Soomaaliya.

Shirarka ayaa la sheegay inay socon doonaan oo mar kale ay maanta dib u bilaaban doonaan maadaama la isku af-garan waayay shirar xalay ay yeesheen, waxaana ay wasiirradu la kulmi doonan qaybaha bulshada ku nool degmadaas.

Wafdigan ka socda dowladda Soomaaliya ee gaaray Dhuusamarreeb, waxay ka dhigaysaa wafdigii ugu ballaarnaa ee gaaray degmadaas tan iyo markii la dhisay xukuumadda cusub.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya