4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 20, 2014
Al-shabaab oo diiday in gaadiidka ganacsigu ay galaan Degmada Xudur

Khamiis, Maarso 20, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa diiday in gaadiidka wada alaabooyinka ganacsiga ah ay galaan degmada Xudur ee gobolka Bakool oo horraantii bishan ay kala wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ka socda dalka Itoobiya ee AMISOM ka tirsan.

Saraakiil ka tirsan Al-shabaab ayaa sheegay in go’doomintan ay qayb ka tahay dagaalka ay kula jiraan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee degmada Xudur ku sugan, iyadoo tani ay keentay in qiimaha raashinka uu sare u kaco.

Guddoomiyaha gobolka Bakool, Maxamed Cabdi Tool oo ka hadlay go’doomintaan ayaa sheegay iny ka warhayaan, wuxuuna u digay ganacsatada iyo gaadiidleyda alaabaha ganacsi wada ee dhinac maraya degmada Xudur.

"Waxaa u sheegeynaa ganacsatada, haddii aysan gaadiidkooda soo marin degmada Xudur inaan la wareegi doono gaadiidka, wixii raashin ah ee saaranna aan shacabka u qabin doono, iyagana aan tallaabo ka qaadi doonno,” ayuu yiri Tool.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dhammaan gaadiidka shixnadaha ganacsi wada ay duleedyada degmada maraan, gaar ahaan kuwa gobollada ka yimaada, wuxuuna ku hanjabay in gaadiidkii ka leexda Xudur ee ay arkaa ay la wareegi doonaan.

Maxamed Cabdi Tool ayaa sidoo kale sheegay in qiimaha raashinka lagu iibsado uu aad sare ugu kacay, dadka ku nool magaaladana ay yihiin kuwo aan dhaqaale ah oo buuran haysan, wuxuuse wacad ku maray inay ka hortagayaan go’doominta ay kusoo rogtay Al-shabaab degmada Xudur.

Degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa waxay ka mid tahay goobihii ay dhawaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya ka socda ay kala wareegeen Al-shabaab, iyadoo sidan oo kale ay kooxdu horay xayiraad ugu soo rogtay degmadaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya