4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 2 , 2014
Shil gaari oo khasaare geystey oo magaalada Baydhabo ka dhacay

Axad, Maarso 02, 2014 (HOL) — Shil gaari oo khasaare nafeed oo badan geystey ayaa maanta ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Shilka oo ka dhacay xaafadda Berdaale, waxaa ku geeriyoodey 3 qof, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 5 qof oo kale.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo haween u badan, waxay xilligii uu shilku dhacayey  kusii jeedeen goob ay xaflad aroos ka dhici lahayd.

Gaariga shilka galay ayaa ahaa Toyota Noah, waxaana sida aanu wararka ku heleyno gaarigaasi uu gaddoomey kaddib markii uu ka leexday dhug-dhugleey ama mooto ay jidka si keddis ah isagaga hor yimaadeen.

Shanta qof ee dhaawaca ah oo qaarkood ay xaaladoodu adag tahay, waxaa ku jira wadihii gaariga, waxaana dhaawacooda lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee degmada Baydhabo.

Baabuurta Toyota Noah oo Soomaalidu ay (Noohada) u taqaan si aad ah ayey dalka ugu soo badnayeen labadii sano ee ugu dambeeyey, waxaana xusid mudan iyo laga soo bilaabo bishii May ee sanadkii hore ee 2013, ay ku dhowaad 100 qof ku geeriyoodey shilal ay baabuur noocaas ahi sababeen oo ka dhacay Puntland, Somaliland iyo weliba koonfurta.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya