4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 2 , 2014
Madaxweyne Xasan: Uganda dhiigooda ayay noo hureen (SAWIRRO)

Axad, Maarso 02, 2014 (HOL) —  Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay guddiga difaaca iyo arrimaha gudaha ee baarlamaanka Uganda,  wafdigan oo ay wehlinayeen saraakiisha AMISOM.

Madaxweyne Xasan ayaa uga mahadceliyey xildhibaannada Uganda booqashadooda Muqdisho isagoo yiri: "Uganda waa waddan aan aaminsannahay inay yihiin walaalo dhiiggooda noo huray, mana ilaaweyno. Waa dalkii ugu horreeyey ee Soomaaliya u soo gurmada, taasoo muujinaysa in walaalo dhab ah ay yihiin. Madaxweyne Museveni waa hoggaamiye Afrikaan ah oo muujiyay hoggaamin dhab ah, isla markaana ka dhabeeyay in mashaakillada wallalaha Afrikaanka ay xalin karaan."

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa warbxin kooban siiyay wafdiga soo booqday isagoo ku yiri warbixintiisa: "Waxaa naga go'an inaan dadaalkii walaalaha AMISOM gudno, isla markaana aan dalka Soomaaliya kusoo dabaalno amni iyo kala dambeyn. Waxaan hiigsanaynaa in marka la gaaro sannadka 2016-da ay dalka ka dhacdo doorashooyin xor ah; isla markaana aan caalamka kaalintii aan ku lahayn soo ceshano.”

Isagoo sii hadlaya madaxweyne Xasan Sheekh ayuu sheegay in Soomaaliya ay ahaan jirtay dal qani ah, isla markaana soo taageeray dalal badan oo Afrikaan ah oo ay ka mid tahay Uganda oo ay hadda ciidamadeedu joogaan Soomaaliya iyagoo ka mid ah howlgalka Midowga Afrika ee AMSIOM.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Wafidga xildhibaannada ah ee dalka Uganda ka socda ayaa iyagana madaxweyne Xasan Sheekh uga mahadceliyay kulanka ay la yeesheen, isla markaana u dhiibay fariin ay uga sideen golaha baarlamaanka iyo madaxweynaha Uganda.

Dhanka kale, guddiga xildhibaannadan waxay sheegeen inay Muqdisho ku arkeen horumar aad u ballaaran iyo sida ciidamada Uganda ay rajo weyn uga qabaan in Soomaaliya ay cagaheeda isku taagto.

Xubnaha wafdigan ayaa kulanka ay la yeesheen madaxweynaha Soomaaliya ka sheegay in Soomaaliya iyo Uganda ay yihiin walaalo, horumarka ballaaran oo ay arkeenna ay warbixin ka siin doonaan baarlamaanka iyo dowladda Uganda.

Danka kale, wafdigan xildhibaannada ah ee ka socda baarlamaanka Uganda ayaa la kulmay guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka federaalka Somalia, Jeylaani Nuur Iikar, iyagoo kawada hadlay arrimo ku saabsan xiriirka baarlamaanada Soomaaliya iyo Uganda u dhexeeya .

Kulanka oo ka dhacay xarunta guddoonka baarlamaaka Somalia ay ku shaqeeyaan ee Villa Hargeysa; iyadoo Iikar uu kulanka ka sheegay inay farxad weyn u tahay in ay Muqdisho kula kulmaan wafdi ka socda Uganda, isagoo uga mahadceliya inay ka dhexeyso wada-shaqeyn wanaagsan baarlamaanka Uganda.

“Waxaa sharaf weyn inoo ah inaan maanta qaabilno wafdi ka socda baarlamaanka dalka Uganda oo ah baarlamaan uu naga dhaxeeyo iskaashi, wada-shaqeyn iyo wax wada-qabsi,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xidhibaannada baarlamaanka dalka Uganda ayaa waxaa hoggaaminayay, Fungaroo Kaps Hassan oo ka mahadceliyay sida Muqdisho loogu soo dhaweeyay wuxuuna ku daray hadalkiisa in baarlamaanka Uganda uu garab-taagan yahay baarlamaanka Somalia, taasoo qayb ka ah buu yiri wada-shaqeynta ka dhexeysa baarlamaannada labada dal.

Baarlamaannada dalalka Uganda iyo Somalia ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir dhinaca wada-shaqeynta ah, iyadoo sanadkii aan soo dhaafnay ee 2013-ka ay heshiis iskaashi ku kala saxiixdeen magaalada Kampala labada baarlamaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya