4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 17, 2014
Dood-Cilmiyeed Lagu Qabtay Magaalada Laascaanood (SAWIRRO)


Isniin, Feberaayo 17, 2014 (HOL) — Dood-cilmiyeed maalmihii lasoo dhaafay culummo ka kala timid deegaannada Soomaalidu degto uga socday degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa lagu soo gabagabeeyay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Kulanka ayaa wuxuu ka socday magaalada Laascaanood muddo sadex casho ah, wuxuuna ahaa kulan cilmiyeed ay soo qaban qaabisay mu’asasadda Al-karam ee dacwada iyo horumarinta, waxaana kulankaas kasoo qayb-galay culummo Soomaaliyeed, macallimiinta jaamacadaha, kuwa macaahida iyo khuboro ku xeel dheer tarbiyad; waxaa kaloo talooyin ka dhiibtay culummo waaweyn oo Soomaaliyeed.

Intii uu kulanku socday ayaa looga hadlay sidii loo horumarin lahaa duruusta laga barto masaajidda iyo goobaha cilmiga kulan oo ay kasoo qayb galeen culimmo farabadan oo kala yimid guud ahaan Soomaaliya ayaa waxaa lagu dhisay manhaj midaysan oo ay yeelan doonaan shacabka Soomaaliyeed iyo sida uu sheegay Faysal Maxamed Cumar oo ah guddoomiyaha Al-karam.

Qodobada laga soo saaray kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa:

1. In la hormariyo barashada diinta Islaamka
2. In la sameeyay manhaj ka kooban 100 kitaab oo muddo afar sano ah lagu qaadan doono waxbarashada.
3. In shahaadooyin la siiyo ardayda barata culuuntan
4. In goobaha waxbarasho loo diyaariyo dhismayaal waaweyn iyo agabka ay u baahan yihiin.
5. In la sameeyo dood-cilmiyeedyo joogto ah.

Geesta kale, culummada ayaa kulan ku qabatay hoteel Xamadi kaasoo ay kaga xog-waramayeen manhajkan mideyn doona shacabka Soomaaliyeed, waxayna dhammaantood sheegeen in guul laga gaadhey dood-cilmiyeedkii lagu qabtay Laascaanood.

Culummdii halkaas ka hadlay oo ay ka mid ahaayeen Sh. Maxamed Axmed Saleebaan, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Sheekh Cabdiwaaxid Xaashi iyo Sheekh Axmed Cabdisamad oo dhammaantood ku tilmaamay guul weyn in lagu gaaray, waxayna in badan ka faaloodeen dooddii iyagoo xusay in intii aan joogin goobta ay talooyin soo dhiibeen.

Sheek Cabdinaasir Xaaji Axmed oo marti loo ahaa ayaa culummadii safarka ahayd iyo kuwa deegaankaba uga mahad-celiyay waqtigii iyo culayskii ay ku lumiyeen wanaagga guusha laga gaaray dood-cilmiyeedka.

Culimadii magaalada Laascaanood isugu yimid waxaa ka mid ahaa:

1. Sheekh Bashiir Axmed Salaad
2. Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf
3. Sheekh Cabdi-naasir Xaaji Axmed
4. Sheekh Ciise Maxamuud C/llaahi
5. Maxamud Sheekh Axmed Xasan(Abu-sheyba)
6. Sheekh Mahad C/llaahi
7. Sheekh C/qani Xuseen Maxamed
8. Sheekh Feysal Maxamed Cumar
9. Sheekh Axmed Maxamed Sulayman
10. Sheekh Maxamed Maxamuud Xaliike
11. Sheekh C/qani Ow-Saalax
12. Sheekh Axmed C/samad Cabdulle
13. Sheekh Xasan Maxamed Ibraahim
14. Sheekh Maxamed Maxamud Dhirde
15. Sheekh Abuukar Xaaji Khaliif
16. Sheekh C/waaxid Xaashi
17. Sheekh Jaamac Maxamed
18. Sheekh Maxamed Maxamuud Cumar
19. Sheekh Maxamuud Salaad Warsame
20. Sheekh Maxamed Shukri Xasan
21. Sheekh Mukhtaar Axmed Faarax
22. Sheekh Yuusuf Maxamed (Shilaab).


Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool