4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 12, 2014
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA:“Dadkii warkaas beenta ah ee geerideyda faafiyay waxay doonayeen in ay dalka qalqal geliyaan”


Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Marwadiisa oo Turkiga ku sugan (Sawirka: Afhayeenka Madaxtooyada)


Arbaco, Febaraayo 12, 2014 (HOL) —Madaxeynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in caafimaadkiisu wanaagsan yahay 100%, warkii laga faafiyay ee ahaa in uu dhintayna ay faafiyeen cadawga Umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha wuxuu sheegay in dadka warkaas faafiyay ay yihiin dad nabad-diid ah oo Al-shabaab u shaqeeya, kuwaasi oo uu sheegay in ay yihiin cadawga ugu daran ee ay leeyihiin dalka iyo dadka Soomaaliyeed, ”Dadka Soomaaliyeed in ay sidaas u fahmaan ayaan ka codsanayaa”ayuuna yiri madaxweynaha.


HALKAN KA DHEGEYSO WAREYSIGA -Radio Muqdisho

“Umadda Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in aan caafimaad qabo 100%, aysanna jirin dawo uu qaato xitaa Aspirin, waxaana hay'adaha amniga ee dalka faray in ay baaritaan ku sameeyaan dadkii warkan beenta ah  ka dambeeyay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh oo sheegay in warkaas ay ka faafiyeen dad doonaya in ay dalka qalqal la geliyo xilli buu yiri ay socdaan howlgallo dalka lagu nabadeynayo.“Waan la hadlay Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra'iisal Wasaaraha, Wasiirka Amniga Qaranka iyo hay'adaha kale amniga iyo shacabka Soomaaliyeed intii ila soo hadashay”ayuu  hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha oo sheegay in booqashada uu ku joogo Turkiga aysan ahayn mid rasmi ah.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in baaritaanka caafimaad ee lagu sameeyay uu dadka la wadaagi karo, isla markaana aysan jirin dhibaato caafimaad oo uu qabo, ”Muddadii aan xilka madaxweynimada hayay iyo labo sano oo ka horreysay oo aan aad u shaqeeyay darteed iima suurtagelin in aan caafimaadkeyga baaro, hadda ayaana fursaddaas helay, maalin gelinkeed ayaan Isbitaalka tegay, baartiaan guudna waa la igu sameeyay wax dhibaato ahna ma qabo”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in uu booqasho kooban ku tegayo magaalada Antalya ee ku taalla Koofur Galbeed ee Turkiga.

Magaalada Antalya, Turkey

Madaxweynaha Soomaaliya oo sii hadlayay wuxuu sheegay in uu dalka Soomaaliya ku soo noqonayo 15-ka bishan, wuxuuna sheegay in socdaalkiisa uu la xiriiro booqasho uu booqanayo xaaskiisa iyo caruurtiisa oo Turkiga jooga, kuwaasi oo uusan muddo arkin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]