4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 2 , 2014
Uhuru oo Eryay Wasiirkii Amniga & Taliyihii Booliiska oo Is-casilay (DAAWO)


Talaado, December 02, 2014 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa xilkii ka qaaday wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga, Joseph Ole Lenku, iyadoo xilka uu sidoo kale xilkii iska-casilay taliyihii booliiska Kenya Jen. David Kimaiyo, Kenyattana uu sheegay inuu is-casilaadda ka aqbalay.

Joseph O Lenku ayaa lagu bedelay wasiir cusub, kaasoo lagu magacaabo, Joseph Nkaissery kaasoo uu madaxweynuhu ku sheegay inuu ka shaqeyn doono, inkastoo aanay jirin taliye lagu bedelay taliyihii booliiska Kimaiyo.

Hadal uu madaxweynaha Kenya u jeediyay shacabka dalkiisa ayuu xusay in shacabka ay og-yihiin in Al-shabaab ay doonayso inay diinta u adeegsadaan sidii ay isaga horkeeni lahaayeen shacabka dalkan ku nool ee Muslimka iyo masiixiyiinta ah.

“Diinta muslimka waa mid nabadeed, mana ahan sida ay Al-shabaab doonayso inay u isticmaasho. Weerarkan waa mid innaga oo dhan nagu wajahan, waana inaan u midownaa dagaalka lagula jiro argagaxisada,” ayuu ku yiri Uhuru Kenyatta khudbaddiisa.

Sidoo kale, Kenyatta wuxuu ku boorriyay hoggaamiyeyaasha muslimiinta ee dalka Kenya, waxgaradka deegaannada ay dilalku ka dhaceen iyo sidoo kale xubnaha mucaaradka ah inay qayb ka qaataan sugidda amniga Kenya iyo sidii looga hortegi lahaa weerarrada ay Al-shabaab kusoo qaadayso Kenya.

DAAWO: Khudbadii uu jeediyay Madaxweynaha dalka Kenya 
Al-shabaab ayaa sheegatay toogasho iyo gowrac muddo laba todobaad ah ku dishay 65-qof oo dhammaantood ahaa dad aan muslim ahayn, kuwaasoo ay 64-ka mid ah ku dishay duleedka Mandheera halka qofka kalena ay ku dishay xalay degmada Wajeer oo labaduba ka tirsan gobolka Waqooyi-bari dalka Kenya.

Is-casilaadda taliyaha booliiska Kenya, Jen. David Kimaiyo iyo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha iyo amniga Kenya, Joseph Ole Lenku ayaa yimid xilli ay maalmo ka hor dalbadeen ururrada bulshada rayidka ah ee Kenya in isbedel lagu sameeyo hay’adaha amniga Kenya, balse Kenyatta ma sheegin sababta uu u bedelay wasiirkiisii arrimaha gudaha iyo amniga.

Dhanka kale, madaxweynaha Kenya ayaa xusay in ciidamadooda Somalia ku sugan aanay halkaas kasoo baxayn, isagoo xusay inay howlgalka ururka  Midowga Afirka ee AMISOM qayb ka yihiin, ayna dagaal kula jiraan koox uu ku tilmaamay argagaxiso caalami ah oo uu ula jeeday Al-shabaab.

“Waxaan ku jirnaan dagaal ay tahay inaan ku guuleysanno,” ayuu Kenyatta ku yiri hadal uu shacabka Kenya u jeediyay, isagoo xusay in Al-shabaab ay yihiin xayawaanno waalan ay ku dileen gudaha dalka Kenya tan iyo markii ay weerarradooda billlaabeen 800 oo qof oo uu sheegay in 500-qof oo ka mid ah ay ahaayeen shacab iyo 300-askari.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri. “Ujeeddadeenna kama dambeysta ah waa inaan ka hortagno argagaxisada, dagaalka aan kula jirnana aan sii wadno tan iyo inta dalkeenna iyo gobolka oo dhan ay noqonayaan meel ay ka jirto amaan, xasillooni iyo barwaaq,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Kenyatta.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa sheegtay inay sii wadayaan dagaallada ay la beegsanayaan Kenya, iyagoo sheegay in colaaddu aysan joogsan doonin illaa Kenya ay ciidamadeeda kala baxdo gudaha Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliyaa