4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 2 , 2014
Madaxweynaha Somalia iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay dilkii Mandheera


Talaado, December 02, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Shiikh Maxamuud iyo ra’iisul wasaarihiisa, C/weli Sheekh Axmed ayaa ka hadlay dilkii 36-qof loogu geystay duleedka magaalada Mandheera ee Waqooyi-bari  dalka Kenya.

Weerarkan oo ka dhacay deegaanka Koromey ayaa madaxweynuhu wuxuu ku tilmaamay weerar argagaxiso, isgaoo tacsi u diray ehellada iyo dowladda Kenya, wuxuu xusay inay garab-taagan yihiin dowladda Kenya.

“Xukuumadda Kenya iyo Soomaaliya waxay ka mideysan yihiin sida ay uga xun yihiin falka Al-shabaab ay geysatay, wayna isku garab-taagan yihiin labada waddan sidii looga hortegi lahaa argagaxisada. Sirdoonka Somalia wuxuu kala shaqeyn doonaa sirdoonka Kenya sidii lagu heli lahaa kuwii ka dambeeyay falkan lagu dilay 36-ka qof,” ayuu yiri madaxweyne Xasan oo qoraal kasoo saaray xafiiskiisa.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa yiri. “Waan ogsoonnahay qorshaha ay ka leedahay Al-shabaab falkan, balse ma noqonayso mid aan ku siranno. Al-shabaab waxay doonaysaa inay iska-horkeento Somalida iyo Kenyanka wada nool, balse waa inaan caddeynaa in loo baahan yahay in loo midoobo qaabkii looga hortegi lahaa kuwa dambiilayaasha ah.”

“Waa inaan ka taxadarnaa qorshayaasha Al-shabaab. Markii guul-darrooyin kala kulmeen dagaalladii tooska ahaa ayay doonayaa inay u wareejiyaan in ay si dhuumaaleysi ah dadka ku laayaan. Waa inaan is-dajinno, Al-shabaab waxay doonaysaa in falalkaas u isticmaalaan bambaano ay nagu soo dhex-tuuraan. Waa inaan, waa inaan midownaa innagoo aan isku eegeyn jinsiyad, qowmiyad ama diin, waana in la ogaado in cadowga aan leennahay uu yahay Al-shabaab,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa kusoo xiray.

Dhanka kale, ra’iisul waasaraha Somalia ayaa isaguna qoraal uu xafiiskiisa ka soo saaray ku yiri. “Mar kale waxaan tacsi kal iyo laab ah u dirayaa ehelladii, asxaabtii iyo sidoo kale qoysaskii xubnihii la dilay,” ayuu C/weli Sheekh, isagoo intaas ku daray. “Waxaan sidoo kale tacsi taas la mid ah u dirayaa shacabka Kenya, waxaan la wadaagaynaa murugadooda, innagoo ay naga go’an tahay in laga hortago dambiilayaasha falalka noocaas oo kale ah geysanaya.”

Ugu dambeyn, C/weli Sheekh ayaa qoraalka uu soo saaray ku xusay in xukuumadda Kenya ay la wadaagayaan sidii ay uga hortegi lahayd kuwa argagaxisada ah, isagoo uga digay ciidamada Kenya ee AMISOM qaybta ka ah inay ka digtoonaadaan in arrintan awgeed ay shacabka Soomaaliyeed u dhibaateeyaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliyaa