4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 2 , 2014
Wafdigii ka socday Bankiga Islaamka oo la kulmay Madaxda maamulka Jubba
Talaado, December 02, 2014 (HOL) — Wafdigii ka socday Bankiga Islaamka ee ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa maanta kulan la qaatay xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Jubba, iyagoo ka wada hadlay arimo ay kamid yihiin goobihii la dejin lahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee la filayo in dhawaan dalka dib loogu soo celiyo.

Masuuliyiintan ayaa ka wada hadlay sida ugu haboon ee loo caawin karo dadka dib ugu soo laabanaya dalka iyo weliba sidii dib u dejin loogu sameyn lahaa.

Masuuliyiintii ka socotay Bankiga Islaamka ayaa sheegay in madaxda maamulka Jubba ay isku afgarteen dhammaan arimihii ay ka wada hadleen, waxa ayna sheegeen in gobollada Jubooyinka ay ka bilaabi doonaan mashaariic horumarineed.

Madaxdii ka socotay bankiga Islaamka ayaa sidoo kale booqday xarumaha muhiimka ah ee maamulka, sida xarunta Caymiska oo ay ku shaqeeyaan qaar kamid ah wasaaradaha maamulka, xarunta rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubooyinka ee JCCI iyo weliba Xarunta "Smart Technology" ee sameeysa aqoonsiyada iyo taarikooyinka gaadiidka.

Wafdigan ayaa la filayaa in mudada uu joogo magaalada Kismaayo uu qiimeeyn ku sameeyo dhammaan waxyaalaha muhiimka ah ee u baahan in wax laga qabto, iyadoo madaxda ka socota Bankiga Islaamka ay sheegeen in ay gobollada Jubooyinka ka fulin doonaan barnaamijyo lagu horumarinayo adeegyada bulshada.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya