4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 2 , 2014
Mooshinka ka dhanka ah RW C/weli oo Sabtida loo codeynayo iyo wasiirro loo yeeray (DHAGEYSO)


Talaado, December 02, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan oo shir-guddoominayay shirkii baarlamaanka ee maanta ayaa sheegay in mooshinka howlihiisa aysan noo dhaafi doonin maalinta Sabtida ah ee soo socota, markaas oo la filayo in cod loo qaado, isagoo xusay inuu ra'iiisul wasaaraha ku wargeliyay inuu ka yaallo mooshin baarlamaanka Soomaaliya.

Jawaari oo kulanka soo xirayay ayaa sheegay in berri oo Arbaco ah la isku soo laabanayo, ayna wasiirrada arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia, C/llaahi Goodax Barre iyo sidoo kale wasiirka maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane ay hor-imaanayaan golaha baarlamaanka si ay uga jawaabaan su’aalo ku saabsan sharciga guddiga xuduudaha iyo federaaleynta dalka iyo miisaaniyada ay ku shaqeynayso dowladda sannadka soo socda ee 2015-ka.

DHAGEYSO: Hadalkii uu Jawaari ka Jeediyay Kulankii BFS

“Maalinta berri ah waxaa baarlamaanka horimaanaya wasiirrada maaliyadda iyo arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya si ay uga jawaabaan su’aalo la xiriira sharciga guddiga xuduudaha iyo federaalka iyo miisaaniyadda 2015-ka ay ku shaqeyn doonto dowladda,” ayuu yiri Jawaari oo xiritaankii kulanka ka hadlayay.

Sidoo kale, afhayeenka baarlamaanka ayaa sheegay in maalinta Khamiista ah laga doodi doono mooshinka laga keenay ra’iisul wasaaraha Somalia iyo xukuumadiisa, isagoo xusay in labada gellinba la shaqeyn doono.

“Mooshinka xukuumadda laga keenay nooma dhaafayo maalinta Sabtida ah ee soo socota. Maalinta Khamiista ah waxaa la gudo-galayaa in mooshinka laga doodo, labada gellinba waa la shaqeynayaa. Maalinta Sabtida ahna waa loo codeyn doonaa, mana doonayno in mooshinka nagu dhaafo Sabtida,” ayuu Jawaari hadalkiisa ku daray.

Jawaari ayaa hadalkiisa ku daray in ra'iisul waasaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed uu si dasatuurka iyo shuruucda baarlamaanka waafaqsan ugu diray qoraal uu ugu sheegayo in xukuumaddiisa uu mooshin ka yaallo baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, afhayeenka baarlamaanka ayaa ku bogaadiyay xildhibaannada baarlamaanka sida wanaagsan ee ay kulankii maanta degenaanta dheeriga ah u muujiyeen, isagoo xusay in looga baahan yahay inay ka digtoonaadaan xildhibaannada inay buuq iyo saxawan ka sameeyaan dhismaha baarlamaanka inta shirarku socdaan.

Si kastaba ha ahaatee, kulankii maanta ayaa ka duwanaa saddexdii kulan ee ka horreeyay, kuwaasoo ay xildhibaannada diidan mooshinka ka sameeyeen buuqa, taasoo sababtay in kulammadaas ay noqdaan kuwo socon waayay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliyaa