4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 2 , 2014
Shariif Xasan oo si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Baydhabo (Sawirro)


Talaado, December 02, 2014 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay madaxweynaha Koonfur-galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo soo dhaweyntiisaan ay ka qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ciidammo fara badan oo isugu jiray Soomaali iyo AMSIOM ayaa ammaanka garoonka diyaaradaha sugayay xilligii uu kasoo dagayay Shariif Xasan Shiikh Aadan, iyadoo ciidamadu ay magaalada kawadaan baaris lagu raadinayo hub, iyagoo soo ururiyay hub fara badan.

Sidoo kale, ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah kuwa AMISOM ayaa weli ka wada magaalada baaritaanno ay ku raadinayaan hubka iyo waxyaabaha kale ee qaraxyada sameeya, taasoo ay ku sheegeen inay qayb ka tahay sidii lagu adkeyn lahaa ammaanka Baydhabo.

Dhanka kale, Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa garoonka diyaaaradaha hadal ku siiyay warbaahinta, isagoo sheegay inuu soo dhaweynayo kuwa taageersan iyo kuwa kasoo horjeeda maamulka uu madaxweynaha ka yahay, wuuxuna intaas ku daray inay la dagaalamayaan Al-shabaab uuna qorshahoodu yahay inay ka saaraan gobollada saddexda ah ee uu maamulku ka taliyo.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa la filayaa inay maalmaha soo aaddan soo gaaraan mas’uuliyiin ka socota dowladda Soomaaliya iyo maamullada dalka ka jira si ay uga qaybgalaan munaasabadda caleemo-saarka Shariif Xasan.

Hiiraan Online, Baydhabo