4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 2 , 2014
Somalida Mareykanka oo Waalac ka muujiyey khilaafka Madaxda Soomaaliya


Talaado, December 02, 2014 (HOL) — Munaasabad ay kasoo qayb-galeen dad ka koooban qaybaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Arizona iyo wafdi ballaaran oo ka socday gobolka ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minnesota ayaa Arizona lagu qabtay, taasoo waxyaabihii looga hadlay ay ka mid ahaayeen xal u helidda khilaafka madaxda Somalia.

Madasha ayaa intii ay socotay waxaa diiradda lagu saaray labo arrimood oo kala ah: sidii loo mideyn lahaa jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika ku nool, gaar ahaan Mareykanka iyo doorka ay qurbe-joogta ay ka qaadan karaan dib u-dhiska dalkooda hooyo iyo xal u helidda khilaafka soo noqnoqday ee madaxda Soomaalida, iyadoo hadallo mowduucyadaasi ku qotoma ka jeediyeen dad badan oo isugu jira, waxgarad, odayaal dhaqan, haween iyo hogaamiyeyaal bulsho.

Mustafa Xaaji Afbalaar, oo ah guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Arizona oo ugu horreyn munaasibadda dah-furay ayaa tilmamay in qurbe-joogta Soomaalida looga baahan yahay ugu horreyn in ay midoobaan, si ay isaga kaashadaan dib-u-dhiska iyo horumarinta dalkooda.

“Haddii aan nahay qurbe-joog waa in aan midowno, si aan isku kaashanno, islamarkaana aan gacan uga geysano dibu-dhiska iyo horumarinta dalkeenna “Somalia”, waxaan sidoo kale ka codsanayaa madaxdeenna Soomaaliya waxaan ka codsanayaa in ay xal u helaan qilaafkooda ragaadiyey horay u socodka dalka,” ayuu yiri Afballaar.

Dadkii kale ee munaasibadda ka hadlay waxaa ka mid ahaa Cabdiraxmaan Cali Dhuux “Cali dheere” oo ah xoghayaha guud ee jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Arizona, isagoo sheegay in ay munaasibaddaan u soo qaban-qaabiyeen sidii xiriir adag looga dhex-abuuri lahaa guud ahaan Soomaalida ku dhaqan Mareykanka, iyo waliba sidii ay door ugu yeelan lahaayeen arrimaha dalkooda hooyo, sida siyaasadda iyo horumarinta, isagoo si gaar ah ugu dheeraaday khilaaf dhex-aloosan madaxda Soomaaliya.

Haddii aan nahay reer Mareykan waxaan nahay awood aan la xaqiri karin, waxaana doonayaa in aan madaxda Soomaalida u sheego in ay dhageystaan baaqeenna, islamarkaana ay dhammeeyaan khilaafkooda rigaadiyey horumarkii wadanka,” ayuu yiri xoghaya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Arizona Cali Dheere.

Maxamed Axmed Cali oo ka mid ahaa murashaxiintii xilka madaxweynemo ee Soomaaliya sanaddii 2008-dii, islamarkaana ka mid ahaa wafdiga ka socday Soomaalida, ayaa nasiib-darro ku tilmaamay khilaafka madaxda dowladda Soomaaliya, xilli dadku ay filayeen in Soomaaliya ay ka gudubtay isqab-qabsi siyaasadeed oo u dhexeeya madaxdeeda.

“Madaxda anaga ayaa doorannay, waana in ay raacaan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan, kaasi oo ku dhisan in dalku horay u socdo, islamarkaana laga gudbo khilaaf iyo isqabqabsi siyaasadeed oo dano gaar ah ku dhisan, iyadoo la dhowrayo danta dalka iyo dadka,” ayuu yiri Maxamed Cali.

Munaasibaddan oo ay ka hadleen dad u fara badan oo isugu jira qeybaha bulshada ayaa waxaa ka mid ahaa dadkii hadalla ka jeediyey  Xoriyo Daahir, oo madax ka ah ururka haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Arizona, waxaayna ku dheeratay doorka haweenku ay ka qaadankaraan horumarka bulshada iyo hogaanka dalka. Waxaa ay sheegtay Xoriyo in haweenku ay kaalin muhiim ah ku leeyihiin horumarinta bulshada iyo hogaanka dalka.

“Haddii aan nahay haweenka waxaan aaminsan nahay in aan nahay aas-aaskii bulshadu ay ku taagneyd, waxaana leeyahay door aan cidina dafirikarin, sidaasi darteed waa in nala ka talo-geliyo hogaanka wadanka…sidoo kale waxaan haweenka ugu baaqayaa in ay isku xirnaadaan oo ay waxbartaan, islamarkaana ay ka faa’ideystaan fursadaha ay ka helikaraan wadamada ay joogaan,” ayey tiri madaxa ururka haweenka Arizona Xorriyo.

Cali Higil oo isaguna ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee Arizona ayaa Dhalinyarada Soomaaliyed ugu baaqay in ay ka qeyb ka qaataan hogaanka dibu-dhiska iyo hogaanka dalkooda.

Baaqaan jaaliyadda Soomaalida Mareykanka ayaa ku soo beegmaya, iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyey uu cirka isku sii shareeyey khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’isal wasaaraha Soomaaliya, kaasi oo waalac xooggan ku abuuray guud ahaan bulshada Soomaalida.

Maxamed Faarax Talyaani
Phoenix, Arizona
[email protected]