4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 2 , 2014
Baarlamaanka oo si degen u furmay iyo Shariif Xasan oo Wiilkiisii uu bedelay


Talaado, December 02, 2014 (HOL) — Waxaa goor-dhow si degen ku furmay kulankii baarlamaanka Soomaaliya ee maanta oo looga hadlayo mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha Somalia iyo xukuumaddiisa. Iyadoo kursigii Shariif Xasan Sheekh Aadan loo dhaariyay maanta wiil uu dhalay.

Kulanka baarlamaanka ayaa waxaa ku sugan 207 xildhibaan oo isuug jira kuwii mooshinka ka keenay xukuumadda iyo kuwa kasoo horjeeda, waxaana furay kulanka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo mooshinka ka dhanka ah xukuumadda loo qaybiyay xildhibaannada.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kulanka ku furay ducooyin, isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in kulanku uu furmo iyadoo aysan jirin wax buuq iyo muran ah, xildhibaannada ay yihiin kuwo ay ka go’an tahay in si deggen ay kulammadu ku socdaan.

Prof. Jawaari ayaa sheegay ajanadayaasha kulanka horyaalla ay ka mid yihiin Mooshinka ka dhanka ah xukuumadda iyo sidoo kale miisaaniyadda sannadka 2015-ka ay ku shaqeynayso dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, kulanka maanta ayaa intii uusan furmin waxaa kurisii uu horay ugu fadhiyay xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo loo doortay inuu ka noqdo madaxweyne maamulka saddexda gobol ee Koonfur-galbeed si rasmi ah loogu dhaariyay wiil uu dhalay oo lagu magacaabo, C/qaadir Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa sacab kusoo dhaweeyay C/qaadir Shariif Xasan oo ka mid noqonaya wixii maanta ka dambeeya xildhibaannada golaha baarlmaaanka Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horreysay oo xubin horay uga tirsanaa dowladihii dalka soo maray uu xilkiisa ku wareejiyo wiil uu dhalay, waxaase horay sidan oo kale kursiigii baarlmaaanka ugu wareejiyay wiilkiisa Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii hore ee Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliyaa