4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 2 , 2014
Tirada dadka la nool Cudurka HIV/AIDS-ka Gudaha Puntland oo la Shaaciyay


Talaado, December 02, 2014 (HOL) — Iyadoo shalay siyaabo kala duwan looga xusay gudaha Puntland maalinta Aids-ka  adduunka ayaa hadana waxa jira walaaca laga qabo khatarta cudurkan oo la sheegay in aad loola dagaalamay sedexdii sano ee la soo dhaafay.

Tiro dhan 873 ruux ayaa la sheegay in ay cudurkan kula nool-yihiin gudaha Puntland ,isla markaana ay u geeriyoodeen inta la ogyahay 84-ruux ,halka 421-ruux oo kalena la siiyo daawooyinka xanuunkan.

“Waxaan wadnaa dadaallo aan ku doonayno in aan bad-baadinno ilmaha ku jira caloosha hooyada la nool xanuunkan Aids-ka “ayey tiri wasiir ku xigeenka caafimaadka Puntland Aamino Maxamed Cabdulahi oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Garowe.

“Dhalinyarada waxaan ugu baaqaya in ay mar kasta iska baaraan xanuunkan aniga oo ka digaya in la takooro qofta kasta oo la nool “ayuu isna yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi-xakim Camey oo ka hadlayay xuska maalinta Aids-ka addduunka.

Sida ay wasaaradda caafimaadka Puntland sheegtay waxaa gudaha magaaloyinka gobolka ka furan afar xarumood oo loogu tala-galay in lagu baaro xanuunkan iyo waliba xanuunka qaaxada oo la sheegay in uu dad badan ku dhacay sanadkan gudihiisa.

Ugu danbayntii madaxweyne ku xigeenka Puntland Camey  ayaa laamaha arintan ka shaqaynaya arintan ugu baaqay in xarumo cudurkan lagu baaro laga furo magaalooyinka xeebaha ku yaalla een laamigu marin si loo yareeyo halista Aids-ka.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]