5/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 2 , 2014
Xarakada Al-shabaab oo sheegatay Mas’uuliyada dilka 36-ruux oo Kenyan ah


Talaado, December 02, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay inay mas’uul ka ahayd dilka 36-qof oo Kenyan ah saaka aroortii hore loogu geystay meel ku dhow magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari dalka Kenya.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Al-shabaab ayay ku sheegtay in dilkaas ay fuliyeen guuto gaar ah oo ay magacooda ku sheegeen ‘Salax Al-Nebhaan’ oo sannadkii 2009 lagu dilay duqeyn ka dhacday Soomaaliya.

“Dilkan waxaa fuliyay guuto gaar ah oo Al-shabaab ka tirsan oo magacoodu yahay ‘Saalax Al-Nebhan’ waxaana dilkan uu ahaa mid aan ugu aargudaynay muslimiin badan oo horay loogu dilay gudaha Kenya iyo Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay sii wadayaan weerarrada noocan oo kale ah ee ay ka gey-sanayaan gudaha dalka Kenya, inta Kenya ay ciidankeeda kala baxayso Somalia, iyadoo la xusuusto in kooxdu ay toddobaad ka hor sidan oo kale 28-qof oo Kenyan ah isuguna jiray rag iyo dumar ugu dileen meel ku dhow degmada Mandheera.

Degmada Mandheera oo ku dhow xadka ay wadaagaan Somalia iyo Kenya ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay soo kordhyay weerarrada ay Al-shabaab ka geysanayso, mana jiro illaa hadda hadal kasoo baxay dowladda Kenya oo ku saabsan dilka ay Al-shabaab u geysatay 36-ka qof saakay aroortii.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in dadkan oo ka mid ahaa kuwo ka shaqeynayay goob dhagaxa guryaha lagu dhisto laga qodo oo Mandheera ku dhow ay dhammaantood ahaayeen masiixiyiin.

Xoogagga Al-shabaab ayaa la sheegay in goobtaas ay tageen 5:00 subaxnimo ee saakay ayna dadkii halkaas ku sugnaa u kala saareen kuwo masixiiyiin iyo muslimiin ah, kaddibna ay toogsho ku billaabeen intii  aan muslimka ahayn.

Kenya oo ay ciidammo qayb ka ah AMISOM kaga sugan yihiin Somalia ayaa waxay tan iyo sannadkii 2011 oo markii ugu horreysay ay ciidamadooda u soo direen Soomaaliya ka dhacayay weerarro is-daba-joog ah oo ay intooda badan mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliyaa