4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 2 , 2014
Al-shabaab oo dil Toogasho ah ku fulisay Gabar ay ku eedeeyeen Basaasnimo

Talaado, December 02, 2014 (HOL) —  Al-shabaab ayaa ku dishay shalay gelinkii dambe degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe gabar dhallinyaro ah oo ay ku eedeeyeen inay basaas u ahayd ciidamada AMISOM ee Soomaaliyaa ku sugan.

Maxkamadda Xarakada Al-shabaab ee gobollada Jubbooyinka ayaa xukun toogasho ah ku ridday gabadhan 20- jirka ahayd, taasoo ay sheegeen in la qabtay iyadoo howlo basaasnimo ah ka wadda deegaanno ka tirsan Jubbooyinka.

Sidoo kale, maxkamadda ayaa sheegtay in gabadhan dhallinyarada ahayd ay u basaasaysay ciidamada dalka Uganda ka socda ee qaybta ka ha howlgalka Ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), waxayna maxkamaddu sheegtay inay mushaar ahaan gabadhani u qaadan jirtay bishii 200 oo doollarka Mareykanka ah.

Toogashadan gabadhan oo magaceeda lagu sheegay Ruweydo Ibraahim Maxamed ayaa ka dhacday meel fagaare ah oo ku taalla degmada Jilib, iyadoo intii aan la dilin uu garsoore ka mid ah maxkamadda ridday xukunka uu boqolaal shacab ah ka hor-akhriyay xukunka lagu riday gabadha iyo ciqaabta uu mudan yahay qofkii jaajuusnimo lagu helo.

Garsooraha ayaa xusay in ciidamada amnig ay qabteen gabadhan 20-jirka ahayd, kaddibna ay su’aalo weydiiyeen, iyaduna ay qirtay inay basaas ahayd ayna tababar kusoo qaadatay dalka Uganda; isla markaana ay howlo shaqo ah u joogtay Jubbooyinka, si ay u bixiso sirta Al-shabaab.

Inkastoo garsooruhu uu hadalkan sheegay haddana ma jirin wax hadal ah oo loo ogolaaday inay gabadhu jeediso ka hor dilkeeda, sidoo kalena ma joogin goobta qareen u doodayay oo xaqiijiyana inuu run yahay hadalka garsooraha iyo in kale.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay oo Al-shabaab xukun kan oo kale ah ay haweeney lagu eedeeyay jaajuusnimo ka fuliso degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Xarakada Al-shabaab ayaa si buuxda u maamusha gobolka Jubbada Dhexe ee Soomaaliya, kaasoo qayb ka mid ah aysan kaga sugnayn ciidamada DFS iyo kuwa gacanta siinaya ee AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliyaa