4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 2 , 2014
Maydadka hooyo Somali ah & wiilal ay dhashay oo laga helay Toronto-Canada


Talaado, December 02, 2014 (HOL) — Booliiska magaalada Toronto ee  waddanka Canada ayaa ka helay guri ku yaalla magaaladaas maydadka hooyo Soomaaliyeed iyo laba wiil oo ay dahshay.

Hooyada Somali_Kenyanka ah iyo labadeeda wiil ayaa lagu kala magacaabi jiray; Sahro Maxamed Cabdulle oo 43-jir ahayd, Faaris Cabdulle oo 13-jir ahaa iyo Zayn Cabdulle oo siddeed sano jir ahaa, waxaana booliisku sheegeen in Sahro ay ahayd Hooyo Soomaali-Kenyan ah oo ka shaqeynaysay isbitaal ku yaalla magaalada Toronto.

Faaris iyo Zayn ayaa la sheegay inay kala dhiganayeen iskuullo magaalada Toronto ku yaalla oo lagu kala magacaabo, dugsiga hoose ee William Burgess iyo dugsiga dhexe ee Westwood.

Warar laga soo xigtay wargeyska CityNews oo kasoo baxa dalka Totonto ayaa lagu xusay inay xiriir leeyihiin geerida nin 46-jir ahaa oo iska tuuray buundada Don Valley Parkway oo ku taala Toronto.

Maydadka hooyadan iyo carruurteeda ayaa la helay qiyaastii 5L00 galabnimo maalintii Sabtida ahayd kaddib markii ay booliiska wargeliyeen, iyadoo ay ka heleen booliisku sadexda mayd qaybtii ay ka deegenaayeen dhismaha.

Illaa hadda ma jirto wax war ah oo ay dowladda Canada kasoo saartay wixii sababay geerida hooyadan Soomaaliyeed iyo labada wiil ee ay dahshay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliyaa