4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 2 , 2014
Ku Dhawaad 40 Qof oo lagu Dilay Magaalooyinka Mandheera & Wajeer-Kenya


Talaado, December 02, 2014 (HOL) — Ugu yaraan 36 qof ayaa lagu dilay weerar arroortii hore ee saaka lagu qaaday meel dhagaxa guryaha laga qodo oo ku taalla duleedka degmada Mandheera ee gobalka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

Goobta dadka lagu laayay, ayaa waxaa lagu magacaaba Koromiya, waxaana wararku ay sheegayaan in Koox hubeysan ay weerareen kadibna ay rasaas ku furay dad Dhagxaanta qodo oo ka shaqeynaayay xaruntaas.

Wararka ayaa waxey intaas ku darayaan in dadka halkaas ku geeriyooday ay yihiin dad aanan Muslimiin aheyn oo iskugu jiray Fundiyaasha Guryaha dhiso iyo Dhagax-qodayaal, halka wararka qaarna ay tibaaxayaan in dadkaas markii hore loo kala saaray Muslimiin iyo Masiixiyiin kadibna la laayay kuwii aanan Muslimka aheyn.

Ciidamada Booliska Kenya, ayaa xaqiijiyay geeriyada 36-daas qof, waxaana la filayaa in saacadaha soo socdo in Meydkooda la geeyo magaalada Magaalada Mandheera.

Hay’addaha Bisha Cas ee Kenya oo gurmad ahaan u tagtay Koromiya, ayaa sheegtay in si arxan daro ah loo wada laayay dadkaas.

Sarkaal ka tirsan Hay’addaas, ayaa sheegay in markii hore lagu war-galiyay in qaar badan oo ka mid ah dadka ka shaqeynaayay goobtaas in yihiin kuwa aanan Soomaali aheyn, balse wuxuu sheegay in xiligaan aynan xaqiijin Karin dadka la dilay iyo cidey kala yihiin.

Ciidamada Millatariga iyo Booliska Kenya, ayaa gaaray goobtaas waxeyna sheegeen iney baaritaano ku sameynayaan sidey wax u dhaceen, ayagoona ku eedeyay Al Shabaab iney ka dambeyeen dil wadareedkaas.

Dadka ku dhaqan Magaalada Mandheera, ayaa iyaguna maanta dareemayo cabsi xoogan kadib markii Saaka ay ku waabariisteen dhacdadaas dadka badan lagu laayay.

Koromiya oo ah meesha weerarkaas ka dhacay, ayaa wararku waxey sheegayaan iney qiyaastii 5KM u jirto soohdinta kala barto wadamada Somalia iyo Kenya.

Dhanka kale hal qof ayaa ku geeriyooday dad ka badan 13 kalana wey ku dhaawacmeen laba Qarax iyo Rasaas xoogan oo xalay ka kala dhacday goob lagu Caweeyo iyo saldhiga weyn oo Ciidamada Booliska Kenya ay ku leeyihiin gudaha Magaalada Wajeer ee ayana ka tirsan gobalka waqooyi bari Kenya.

Qaraxyada iyo Rasaasta oo socotay mudo 30 daqiiqo ku dhow, ayaa waxey ka dhacay faras magaalaha Wajeer, waxaana dhawaqooda laga maqlay guud ahaan magaaladaas.

Deegaanada uu ka kooban yahay gobalka Waqooyi bari Kenya gaar ahaan magaalooyinka waa weyn ee kala ah Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera, ayaa dhawaanaan waxaa ka wada dhacay weeraro dad ay dhibaato ka soo gaartay. Kuwaasoo dowlada Kenya ay inta badan ku eedeysay iney ka dambeyeen Xarakada Al Shabaab ee Somalia ka dagaalanto.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]  
Nairobi, Kenya