4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 1 , 2014
Shirkado ku Hanjabay inay Joojinayaan Qaadka ay SL uga keenaan Itoobiya


Isniin, December 01, 2014 (HOL) — Madaxda shirkadaha Qaadka keenta Somaliland iyo kililka Shanaad ee itoobiya ayaa ku hanjabay in Guud ahaan Qaadka ay ka keenan dalka itoobiya ay Joojin Doonaan, isla marka ay u wareegi doonaan Dalka Kiiniya oo ay kala soo daggi doonaan, haddii laga joojin Tacadiyo Farro badan oo ay sheegeen in ay ku hayaan madaxda maamulka Kililka Shanaad ee Itoobiya.

Xasan Faarax Weerar (Xasan farruur) oo ah Af-hayeenka Shirkadaha Jaadka Somaliland keena oo warbaahinta uga waramay dhibaatooyin ay sheegeen inay kala kulmaan Kililka shanaad ee Itoobiya ayaa Dawladda Itoobiya ugu baaqay inay soo dhex gasho arrintan, isla markaana xusay inay wefti u diri doonan Addis baba si ay arrintaasi ula soo hadlaan.

"Sannadkan aanu ku jirno bishii Saddexaad Sagaalkeedii shirkadihii Jaadka Gaynayey Kililka Shanaad ee Itoobiya Dhammaantood waa la joojiyey, waxa la keenay dad kale oo la yidhi waa Qurbajoog oo Jaadkii waa la siiyey, marka Dastuurka Itoobiya ee Ganacsigu waxa uu dhigayaa in Ganacsigu xor yahay oo la Tartamayo Nooca uu doono ganacsigu ha ahaadee, sidaasi awgeed waxay yidhaahdeen Toban Cisho Qaata shirkadihii Qaadka Gayn jiray Kilalka Shanaad dadkii kelana Labbaatanbaanu siinay, runtii taasi arrin fool xun ayey nagu noqotay dhibweynbay-na nagu keentay iyo khasaare Farro baddan”ayuu yidhi afhayeenka shirkadaha Jaadka Xasan Faruur.

Waxaanu intaas ku daray. “Xalay 1:00 Habeenimo ayaa qaadkii yimid loo kala Dirayey Kilalka Shanaad iyo Qayb (LC) ah oo Somaliland loo Soo dirayey, dabadeeto qaadkii dib baa loo celiyey oo waxa la lumiyey xuquuqdii muwaadinkii ka ganacsanayey dhulka Kililka shanaad oo waxa lagu celiyey qaadkii Kililka Afraad ee Oromiya. markaa Kililka Shanaad waxa uu jabiyey Dastuurkii Dalka Itoobiya ee Ganacsiga Muwaadinka Illaalinayey”

Xasan Faruur ayaa sheegay in qarka uu u saaran yahay inuu joogsaddo ganacsigii Qaadka ee udhexeeyey Itoobiya iyo Somalind, haddii aan wax laga qaban tacadiyadda lagu hayo, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “waxaanu baaq u diraynaa Xukuumada Dhexe ee Itoobiya oo aanu leenahay Jigjiga waxa lagu Gubay qaadkii Cashuurnaa ee haystay liisanka Ganacsiga (LC) kaasi oo leh Sharciyadii dalka Itoobiya oo dhan lagu isticmaalayey, sidaasi awgeed Ganacsigii ka dhaxeeyey Somaliland iyo Itoobiya waxa uu qarka u saaran yahay in uu joogsado oo Qaadki aanu ka keenaynay Dalka itoobiya aanu u wareejino Dalka Kaniya oo jaadka dalkaasi ka dalbano, haddii aanay dawlada Itoobiya waxba ka qabban waayo Itoobiya iyadaa Qaadka Dan ku qabta Sannadkii 480 Milyan oo Dollar ayaa u Xarooda itoobiya oo Somaliland ka baxa oo waliba Shirkadahayaga qaadku geeyaan”

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeysay ee dhawaaq caynkan ah uu kasoo yeedho shirkaddaha Jaadka keenna Somaliland, isla markaana ku hanjabay inay u wareegi doonan dalka Kenya haddii aan waxba laga qaban dhibaatadda ay tirsanayaan, heseyeeshee illaa hadda kama hadal dawlad deegaanka Somalida Itoobiya iyo dawladda dhexe ee Itoobiya.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland