4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 1 , 2014
Rabshado Baahsan oo Maanta ka dhacay Magaalada Laascaanood ee G. Sool


Isniin, December 01, 2014 (HOL) — Rabshado ka dhashay weerar ay xalay kooxo aan la garanayn hayb-tooda ku qaadeen koontaroolka bari ee magaalada Laascaanood, kaasoo uu ku naf-waayay mid ka mid ah asakarta ilaaliya koontaroolka oo Khadar Colaad lagu maga-caabi jiray ayaa maanta ka dhacay xarunta gobolka Sool ee Laascaanood.

Taliyaha booliiska gobolka Sool, Cabdiraxmaan Col-haye ayaa u sheegay HOL in maydka askariga la keenay isbitaalka guud ee magaalada Laascaanood ayna socdaan baaritaanno lagu sameynayo ciddii ka dambeysay dilka askarigan.

Boqolaal qof ayaa buuxiyay maanta isbitaalka guud ee Laascaanood, iyadoo uu halkaas ay maydkii ka qaadeen ciidammo kuwa maamulka ka tirsan, taas oo ay ka caroodeen ehelada askariga la dilay iyo dadweynihii kale.

Dhallinyaro iyo haween gadoodsan ayaa saacadihii hore ee maanta gudaha magaalada ka billaabay dhagax-tuur iyo inay xiraan laamiga Laascaanood bartankeeda mara, taasoo sababtay in magaalada ay ka billaabato rasaas lagu kala cayrinayo dadwaynaha rabshadaha waday, iyadoo illaa gellinkii dambe ee maanta ay rabshaduhu socdeen.

Shacabka ayaa waxay laamiga magaalada dhex-mara ku shideen taayarro halka gaadiidkii ay u diideen inay isticmaalaan waddaada magaalada dhex-marta, waxaana gaadiidleydu ay awoodi waayeen inay howlahoodii caadiga ahaa qabsadaan.

Gellinkii dambe ee maanta waxay dadkaasi weerar ku qaadeen shirkadaha Dahabshiil iyo Telesom xarumaha ay ku leeyihiin Laascaanood, kuwaasoo ay ka dhasheen khasaare hantiyeed.

Weerarka kaddib ayaan la xiriirnay guddoomiye ku-xigeenka shirkadda Dahabshiil C/qani Aw-Daahir oo sheegay in daaqadaha xaruntooda looga jajabiyay weerarka, sidoo kalena uu kaga dhaawacmay mid ka mid ah shaqaalahooda.

Rabshadahan ayaa waxay ahaayeen kuwo aan muddo lagu arag magaalada Laascaanood, iyadoo ciidan fara badan ay haatan ilaalo ka hayaan jidadka dhexmara magaalada; waxaana xayiraad lagu soo rogay dhaqdhaqaaqa shacabka si loo xakameeyo rabshadaha oo dhaawac gaarsiiyay amniga iyo dhaqaalaba gobolka Sool.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool