4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 1 , 2014
SAYLICI: Waa la ogaaday in dawada HIV/AIDS ay ilaa xad baabi’iso cudurka


Isniin, December 01, 2014 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi ismaaciil(Saylici), ayaa ka qaybgallay maalinta caalamiga ah ee HIV/AIDS-ka oo bisha December sanad kasta laga xuso caalamka oo dhan.

Munaasibadan oo lagu qabtay magaaladda Hargeysa waxa ka soo qaybgallay madaxweyne ku xigeenka, wasiirka Cadaaladda iyo garsoorka, wasiir ku xigeenka Caafimaadka, wasiir ku xigeenka Arrimaha Bulshadda, Agaasimaha fulinta ee hay’adda la dagaalanka cudurka HIV/AIDS oo iyadu munaasibadan soo abaabushay.

“Waxaan maanta idiin haynaa war farxad leh, kaasi oo sheegaya in dawadii la odhan jiray A.R.T ee lagu daweeyo Cudurkan ay karti u leedahay inay ilaa xad baabiiso cudurkan,taas oo ka dhigaysa in qof kasta oo qaata ay adag tahay in Cudurkan laga helo,iyadoo suuro galinaysa in qofku iskaga difaaco Cudurada kale.Maalintan ku astaysan in aduunyadu isku xasuusiso aafada cudurkan, waxaa Somaliland ka go’an la dagaalanka cudurkan aafada ku ah Adduunka” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylici .

“Dawada loo qaato Xanuunkan boqolkiiba shan iyo sagaashan(95%) waxay heleen Caawimo oo ma faafin karaan Xanuunka.waxa loo baahan yahay Ururada ku hawlan wacyi galinta HIV/Aids inay bulshada ku wacyi galiyaan in dadka xanuunka la nool ee wali qarsanayaa ay tagaan goobaha dawada laga qaato oo Illaahay baa wadka hayee uu riiq dheeraan karo oo Bulshada uga mid noqon karo” ayay tidhi Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, wasiir ku xigeenka caafimaadka Somaliland.

Agaasimaha Fulinta hay’adda la dagaallanka HIV/IADS (SOLNAC)  Cabdi Cali Jaamac oo ka hadlaya ujeedadda xafladani daaran tahay waxa uu yidhi  “Ujeedada Xuskan aynu iskugu nimid wuxuu daaran yahay laba arimood oo kala ah in dadka fayow laga wacyi galiyo Cudurka oo laga hor tago iyo in la xasuusto dadka Xanuunka la nool si loo dhawro xuquuqdooda,kuwaas oo iskugu jira kuwa is og inay xanuunka la nool yihiin iyo kuwa aan is ogayn”.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in dadka la nool cudurkan ee joogga Somaliland ay tahay kun iyo sideed boqol iyo sagaal iyo toddobaatan qof, halka dadka aan weli dawadda loo qorin ee difaacooddu wali fiican ay tiradoodu dhan tahay 2999 qof.

Agaasimaha Guddida Xakameynta Cudurkan Cabdi Cali ayaa sheegay in cisbitaaladda guud ee Hargeysa, Berbera, Burco iyo Boorama laga bixiyo dawooyinka loo isticmaallo cudurkan.

“Waxaa komishankan xakamaynta cudurkan  ka go’an wax ka qabashada xanuunka HIV/IADS ee bulshadda Somaliland, si aan cid dambe ugu soo biirin inta la nool xanuunka maanta haddii alle idmo, isla markaana waxaan diyaar u nahay inaan raadino taageero maxkaxeed iyo mid dhaqaale qaybaha ka mid bulshadda ee uu asiibay xanuunkan ee maanta nool”ayuu yidhi Cabdi Cali, waxaanu intaas ku daray in aan la takoorin dadka xanuunkan la nool.

“Inkastoo heerka uu gaadhsiisan yahay xanunkan HIV/AIDS ee dalkeena uu aad u hoosayso marka loo eego wadamad aan jaarka nahay, qiyaasta illaa hadda ka soo baxday xog ururin laga qaaday hooyooyinka uurlayda ah iyo dadka u nugul xanuunka waxay muujinaysa in uu heerka xanuunka HIV/AIDS ee Somalilnad gaadhsiisan yahay 1.1% ”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Si kastaba ha ahaatee, waxa sanadkan hal ku dheg loogu dhigay Dawadda ha la qaato, iyagoo dadkana lagu booriyey in aanay faquuqin dadka la nool cudurkan, isla markaana dadka la nool cudurkan ku dhiirigaliyey inay isticmaalaan dawooyinka.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland