4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 1 , 2014
Xisbi Syaasadeed loo bixiyay DALJIR oo Maanta Muqdisho looga Dhawaaqay


Isniin, December 01, 2014 (HOL) — Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay xaflad weyn oo looga dhawaaqayay xisbi siyaasadeed oo loogu magac-daray  DALJIR, kaasoo xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira kusoo biiraya.

Wafdiyo ka kala yimid gobollada Somalia ayaa ka qaybgalay daafurka xisbiga siyaasadeed ee Daljir, kaasoo xusay inay diyaar u yihiin inay ka saaraan Somalia xaaladaha siyaasadeed ee murugsan ayna dhidibada u taagaan hannaanka dawliga ah ee dalka.

Aasaasayaasha xisbiga Daljir ayaa sharraxaad ka bixiyey sida ay xubnohoodu uga doodeen dastuurka iyo shuruucda xisbiga una yagleeleen golaha dhexe iyo golaha fulinta xisbiga. Waxaana aasaasayaashu soo badhigeen madaxdii ay u doorteen xisbiga oo ay ka mid ahaayeen:

Xildhibaan Xasan Macallin Maxamuud oo soo noqdy wasiir-u-dowlihii madaxtooyada DKMG ahayd oo loo doortay guddoomiyaha xisbiga Daljir. saddex gudoomiye ku xigeen iyo xoghaye guud ee xisbiga ayaa iyagana la doortay.

Madaxdii hoggaaminaysay ergooyinka ka kala yimid woqooyi-galbeed ama Somaliland, Puntland, Jubbaland, Koonfur-galbeed, gobollada dhexe iyo Hiiraan ayaa aasaasayaasha ugu hambalyeeyay magaca deegaannadooda, ballan-qaadayna inay ka hawl-gelayan sidii xisbiga cusub uu uga hawlgeli lahaa deegaannada ay ka yimaadeen.

Gudoomiyhii hore ee gobolka Banadir iyo duqii Muqdisho, Cadde Gaabow oo isagoo ku hadlaya magaca gobolka Banaadir ka sheegay munaasabadda inay soo dhaweynayaan xisbiga cusub oo xaruuntiisu noqon doonto Muqdisho.

Xubno ka tirsan bulshada rayidka ah oo ay ka mid ahaayeen dhallinyarada, dumarka, odayaasha dhaqanka iyo qurbo-joogta; ayaa iyaguna goobta ka hadlay soona dhaweeyay xisbiga Daljir, muujiyayna yididiilada inuu noqdo xisbigii dalka ka saara dib-u-dhaca siyaasadeed.

Shirka ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha xisbiga Daljir oo tilmaamay ujeeddooyinka xisbiga, sida uu ugu furan yahay dadka Soomaaliyeed oo dhan iyo qorshahiisa cad. Isagoo sharraxay micnaha kalimadda “Daljir” oo ku tilmaamay inuu yahay mid u taagan oo aan ka seexan ilaalinta dalka.

Guddoomiyaha ayaa sdioo kale ku dheeraaday in Daljir uusan ahayn xisbi madax-ka-nool ah oo uu qof leeyahay, qoys leeyahay, koox leedahay, qabiil leeyahay ama gobol leeyahay. Isagoo hoosta-ka-xariiqay in Daljir uu yahay xisbi wax ka bedelaysa sida siyaasadda Somalia loo hoggaamiyo.

Xoghayah guud ee xisbiga Daljir, xildhibaan hore Xasan Xaaji Ibraahiim oo isna hadlay ayaa sharraxay qorshaha xisbigu ku hubinayo inuu gaaro dadka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda dalka. gabayo, heeso, talooyin iyo dhiirigelin mug-leh ayaa lagu soo bandhigay xafladda.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha xisbiga Daljir, Xasan Macallin ayaa goobta ka yiri. “Xisbiga Daljir wuxuu dalka iyo dadka Soomaaliyeed u horkacayaa inay gaaraan hamigooda ah cadaalad, isla-xisaabtan, siyaasad aan xajiin-lahayn, qabyaaladda oo laga fogaado iyo in laga guuro dhaqanka ah in qof, qoys, koox ama gobol ku keliyaysto xisbiga.”

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliyaa