4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 1 , 2014
Mudaaharaad ka dhacay Boorama kaddib xariga Maayarkii hore ee degmada


Isniin, December 01, 2014 (HOL) — Mudaahraad rabshado wata ayaa maanta ka dhacay magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal, kaddib markii la xidhay maayarkii hore ee Boorame, C/raxmaan Shide Bille.

Ciidamada amniga Boorame ayaa rasaas ku kala dareeriyay kadibna xabsiga u taxaabay saddex wariye oo ka tirsanaa telefishinada Universal iyo Bulsho iyo dhallinyarro kale oo badan.

Dadka mudaharaadka dhigayay oo u badanaa dhallinyaro ayaa waddooyinka halbowlaha ah ku gubay taayiro, hase yeeshee illaa hadda ma jiro khasaare dhimasho iyo mid dhaawac oo ka dhashay dibadbaxa.

Maamulka gobolka Awdal ayaa maayarkii hore ee magaalada Boorama ku eedeeyey inuu faraha kula jiray falal amni-darro ah, isla markaana uu ku howlanaa waxyaabo nabadda wax u dhimaya, inkastoo aanay weli si cad u caddeyn amni-darrada uu waday maayarkii hore.

Si kastaba ha ahaatee, maayarkii hore ee magaalada Boorama, C/raxmaan Shide Bille ayaa muddo dheer maayar ka ahaa degmadaas, waxaana si kadis ah xalay loogu dhacay dhacay gurigiisa, iyadoo xabsiga loo taxaaabay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland