4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 1 , 2014
Dad Naafo ah oo Dibadbax ka hor-sameeyay Xarunta Wasaaradda A. Gudaha

Isniin, December 01, 2014 (HOL) — Boqolaal ruux oo naafo ah ayaa maanta dibadbax ka hor-dhigay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha ee Somalia ay ku shaqeyso ee OTO-OTO, iyagoo ka cabanaya raashin ay sheegeen inay wasaaradu u ballanqaaday balse aan weli la siin.

Golaha Naafada Soomaaliyeed ayaa ka cabanayay in wasaaraddu aysan siin mucaawino ay horay u siin jirtay, isla markaana loo ballan-qaaday in la siin doono, laakiinse aysan weli helin, xilli ay sheegeen inay haysato dhibaato cuno-yari ah.

“Dhibaato cuno-yari ah ayaa na-haysata, wasaaraddu cunto ayay na-siin jirtay, sidoo kale ballanqaadyo ayay noo sameysay, balse illaa hadda waxba kama hayno, waxayna noola muuqataa in nala illaaway,” ayay tiri Safiyo Cali oo ka mid ahayd naafadadii dibadbaxa dhigayay.

Sidoo kale, Cumar Macallin Cabdulle oo isna ka mid ahaa naafadii maanta ka sameeyay illinka hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Somalia ayaa isna u sheegay warbaahinta in baahi darteen ay naafadu maanta u xireen albaabka wasaaradda arrimaha gudaha, ballan-qaadyo ayaa loo sameeyay, laakiin waa lagala soo daahay, taas ayaana keentay dibadbaxooda.

Guddoomiyaha golaha naafada Qaranka Soomaaliyeed, Cali Cabdullaahi Salaad oo isna la haday warbaahinta ayaa sheegay sheegay in wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya ay ka jaratay macaawinadii ay horay u siin jirtay, isla markaana ay diyaar u yihiin inay arrintaan kala hadlaan mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha.

“Waxaan ka cabanaynaa raashin ay wasaaraddu dadkan u qortay, raashinkaas oo ay muddo dheer ka war-sugayeen in la siiyo, balse aan illaa iyo hadda la siin; iyadoo maalin walbana la leeyahay raashin ayaa gobollo ka mid ah dalka loo qaaday, marka dul-qaadkii ayaa ka dhamaaday, waana taas ayay ka cabanayaan oo ay wasaaradda albaabkeeda u xireen,” ayuu yiri Cali Cabdullaahi.

Dhanka kale, guddoomiyaha naafada oo la weydiiyay su'aal ahayd cidda u ballan-qaadday naafada raashika, ayaa ku jawaabay; inay wataan warqado ay saxiixeen xubnaha kala ah; wasiir u dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha, Maxamuud Macallin Yaxye, xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda, Ismaaciil Jimcaale iyo agaasinka waaxda samafalka wasaarada arrimaha gudaha, Mukhtaar. isagoo xusay inay saxiixyadani yihiin kuwa ay wasaaraddu wax ku bixiso .

“Nasiib-darro, golaha naafadu sooma abaabulin dibadbaxan lagu xiray illinka wasaaradda arrimaha gudaha, laakiin waxaa la yiraahdaa ‘Dhariga maxaa karka ka keenay’ waxay ila  tahay markii ay waayeen wixii loo ballanqaaday inay go’aankan qaateen. Waxaanse diyaar u nahay inaan kala hadalno wasaaradda sidii arrintan loo xallin lahaa, dadkanna loo siin lahaa raashinka waraaqaha ugu qoran,” ayuu Cali C/llaahi mar kale yiri.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horreysay oo naafada Qaranku ay mudaaharaad cabsho ah ka sameeyaan magaalada Muqdisho, iyadoo uusan jirin illaa hadda mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha oo weli ka hadlay dibadbaxa ay maanta ka hor-dhigeen wasaaradda iyo cabashadooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliyaa