9/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 1 , 2014
Milateriga Somalia oo Xarumo ku Wareejiyay Hay’adaha Amniga (SAWIRRO)


Isniin, December 01, 2014 (HOL) — Ciidamada xoogga dalka ayaa maanta ku wareejiyay fariisimihii ay degmooyin ka tirsan Muqdisho ku lahaayeen hay’adaha amniga dowladda, iyadoo fariisimaha ay ku kala yaaliin degmooyinka Yaaqshiid iyo Hiliwaa, iyadoo ciidanku ay ku sugnaayeen xarumahaas tan iyo markii Al-shabaab Muqdisho laga saaray.

Fariisimahan ayaa waxaa si rasmi ah ula wareegay maanta ciidanka nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka iyo booliiska, kuwaasoo sheegay inay sugi doonaan amniga dhammaan xarumaha lagu wareejiyay maanta.

Xaruumaha booliiska iyo nabad-sugidda lagu wareejiyay ayaa waxaa ka mid ah; Xerada Maslax, Warshada Nac-naca iyo kuwo kale, iyadoo munaasabadii lagu wareejinayay xarumahan lagu qabtay warshadda Nac-naca oo ku taalla degmada Huriwaa, gaar ahaan xaafadda Suuqa Xoolaha.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa; taliyaha ciidamada sir-doonka iyo nabad-sugidda Qaranka, Jen. C/raxmaan Tuur yare, taliyaha ciidamada xoogga dalka, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe),  abaanduulaha, Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi, guddoomiyaha gobolka Banaadir, Xasan Muun-gaab, iyo taliyaha ciidamada booliiska gobolka Banaadir, Jen. Madaale.

Saraakiishan oo hadallo kala duwan ka jeediyay munaasabadda ayaa si aad ah uga hadlay ahmiyadda ay nabadgalyadu u leedahay shacabka Muqdisho, iyagoo ciidamada ku boorriyay inay amniga adkeeyaan, ayna shacabka ku nool degmooyinkan ilaaliyaan, iyagoo uga digay inay dhibaateeyaan.

Gaba-gabadii munaasabadda ayaa laga sheegay in hay’adaha amniga dalka ay si buuxda ula wareegeen wixii maanta ka dambeeya sugidda ammaanka guud ee xarunta Soomaaliya.

Xarumaha maanta la wareejiyay ayaa waaxa horay u deggenaa qeybta 12-ka Abriil ee ciidamada xoogga dalka, iyadoo tani ay qayb ka tahay sidii ay goobta ka sheegeen saraakiishii hadashay adkeynta amniga Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliyaa