4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 1 , 2014
Wafdi ka Socda Ururka Jaamacadda Carabta oo Maanta soo gaaray Muqdisho


Isniin, December 01, 2014 (HOL) — Wafdi ka socda ururka Jaamacadda Carabta oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare ku-xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibadda dalka Kuwait Sheekh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, waxayna la kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Xubnahan oo tiradoodu ahayd siddeed ruux ayaa hordhac u ah wafdi heer sare ah oo ka socda Jaamacadda Carabta oo dhawaan imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

“Wafdigan wuxuu hordhac u yahay wafdi ballaaran oo Muqdisho imaanaya muddooyinka soo aaddan, Kuwait oo haysa hoggaanka Jaamacadda Carabta ee sannadkan ayaana waxay horsed u noqotay inay wafdi caalami ah oo ka socda ururka yimaadaan Muqdisho,” ayuu yiri dajiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwait, C/qaadir Amiin oo warbaahinta kula hadlay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Sidoo kale, danjiraha ayaa sheegay in wafdinga ay kulamo la yeelanayaan mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya, kuwaasoo looga hadli doono sidii Jaamacadda Carabta ay qayb uga qaadan lahayd horumarinta iyo dib u soo celinta amniga Soomaaliya.

“Xubnaha wafdiga ka socda Jaamacadda Carabta ee Muqdisho soo gaaraya maalmaha soo socda waxay is-arki doonaan dhammaan madaxda dalka, arrimo badan ayaana laga wada hadli doonaa,” ayuu hadalkiisa ku daray C/qaadir Amiin.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiyada Kuwait ayaa mar kale sheegay inay ka filayaan dalalka Carabta iyo wafdiga ka socda Jaamacadda Carabta inay ka shaqeeyaan horumarinta dalka, isagoo imaanshaha wafdigan ku tilmaamay mid guul u ah shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa Carabta.

Si kastaba ha ahaatee, imaanshaha wafdigan ayaa waxay kusoo beegantay xilli dhawaan ay dowladda Masar ka dalbaday ururka Jaamacadda Carabta in ay ka dalbatay in guddi ay u saaraan xallinta khilaafka siyaasadeed ee xilligan ka dhex-oogan madaxda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya