4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 1 , 2014
Buundada Jowhar oo Maanta dayactir lagu billaabay Mudo 50-sano ah Kaddib


Isniin, December 01, 2014 (HOL) — Buundada isku xirta xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe ayaa dayactir lagu sameeynayaa markii ugu horreysay muddo 50-sano ah ka badan, iyadoo xilligan qarka u saaranayd inay burburto.

Maanta ayaa waxaa hakad la geliyay isku-socodka gaadiidka buundada dusheeda mari jiray iyado shacabka loo ogolaa inay lugta ku maraan buundada dusheeda, maadaama buundadu ay dayactir xoog leh lagu hayay.

Sidoo kale, qorshaha dayactirka buundada ayaa waxaa la sheegay inay qayb ka tahay sidii loogu sameyn lahaa ballaarin; maadaama aysan horay u ahayd mid ciriiri ah oo aysan isku dhaafi karin laba baabuur, taasoo ay shacabka degmadaas iyo gaadiidleydu si aad ah u soo dhaweeyeen.

Dayactirka buunadada Jowhar ayaa waxaa maal-gelisay dowladda Ingiriiska, waxayna tani qayb ka tahay qorshayaal ay Britain howlo isugu jira dayactiro iyo dhismayaal xarumo uga sameynayso gobollada dalka qaarkood.

Buundada degmada Jowhar ayaa la dhisay sannadkii 1919-kii, xilligaasoo Soomaaliya uu gumeysanayay Talyaaniga, waxaana dayactirka buundada soo dhiraan-dhiriyay xubnaha maamulka gobolka Shabeellada Dhexe iyo kan degmada Jowhar.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Britain ayaa shalay ka billlowday degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, dhismaha suuq cusub oo bartamaha magaaladaas laga dhisayo, kaasoo la doonayo inuu noqdo suuq ay shacabka ku nool degmadaas ku ganacsadaan kana adeegtaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliyaa