4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 1 , 2014
Maamulka Jubba & QM oo kawada hadlay soo celinta qoxootiga Soomaaliyeed


Isniin, December 01, 2014 (HOL) — Wafdi ballaaran oo ka socday hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Aduunka iyo bankiga Islaamka ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, iyadoo wafdigani uu kulamo la qaatay madaxda ugu sareeysa ee maamulka Jubba.

Wafdiga ayaa xarunta madaxtooyada magaalada Kismaayo kulan ay saxaafaddu dibad-joog ka ahayd kula qaatay madaxeeyne ku xigeenka 2-aad ee maamulka Jubba Mudane C/qaadir Xaaji Max'uud Lugadheere iyo weliba xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Jubba.

Masuuliyiintan ayaa kulankoodii uga wada hadlay arimo ay ka mid yihiin sidii la isaga kaashan lahaa dib usoo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xerooyinka Dhadhaab ee dalka Kenya, iyadoo madaxda labada dhinac ay sheegeen in dadka doonaya in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda gaar ahaan gobollada Jubooyinka ay u fududeyn doonaan.

Madaxweeyne kuxigeenka maamulka Jubba oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka wada hadleen sidii la isaga kaashan lahaa dib usoo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya oo uu xusay in intooda badan ay kasoo jeedaan deegaanada uu ka arimiyo maamulka Jubba, waxa uuna sheegay in ay isku afgarteen dhamaan arimihii ay ka wada hadleen goor dhowna ay bilaabi doonaan dib usoo celinta qaxootiga.

Madaxdii ka socotay bankiga Islaam iyo weliba hay’adda qaxootiga aduunka ee UNHCR ayaa waxa ay sheegeen in dhawaan ay bilaabi doonaan dib usoo celinta qaxootiga, iyagoo sheegay in 8-da bishan aynu ku jirno ee December ay dib usoo celin doonaan 100-qoys.

Masuuliyiintan ayaa sheegay in qaxootiga ay kusoo laaban doonaan rabitaankooda, waxayna sheegeen in iyaga oo kaashanaya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba ay dib usoo celin doonaan qaxootiga.

............
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.