4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 1 , 2014
Kulan dhaqaale loogu ururinayay abaaraha Sh/Hoose oo Sweden lagu Qabtay


Isniin, December 01, 2014 (HOL) — Toddobaadkii hore 22-kii November ayaa waxaa lagu dhigay magaalada Stockholm ee dalka Sweden, gaar ahaan xaafadda ay Soomaalida degto ee Rinkeby kulankaan ay agaaasimeen dadka kazoo jeeda degmada Marko, isla markaana dhaqaale loogu ururinayay dadka abaaruhu saameeyeen ee gobolka Shabeellada Hoose ku nool.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka socday dalka Ingiriiska; sida, Cabdalla Xamdi Cali, C/llaahi Xasan Oorshe iyo Cabdi Xasan iyo sidoo kale, kuwo Sweden ku nool oo ay ka mid ahaayeen Sahra Sh. Nuur Cali Barrow, Axmed Salaad Daahir, Shiikheey Maxamed iyo xubno kale oo fara badan.

Dhallinyaro oo is-xil-qaamay ayaa ka shaqeynaayay sidii degmada Marka iyo hareeraheeda ku nool gargaar loogu ururin lahaa. Kuwaasoo soo bandhigay dhaqaale badan oo loogu talogalay in dadka gobolkaas ku dhibaateysan wax loogu qabto.

Intii uu kulanku socday ayaa waxaa hadallo kala duwan ka jeediyay Ciise Sheekh Ismaaciil (Baaba Ciise) oo ka hadlay qiimaha ay leedahay midnimada, isagoo shacabka Marko kasoo jeeda ku amaanay sida ay diyaarka ugu yihiin inay caawiyaan walaalahooda dhibaatadu ku hayso gobolka Shabeellada Hoose.

Dhammaan dadkii hadallada ka jeediyay kulanka ayaa waxay si wadajir ah uga hadleen arrimaha gargaarka, iyagoo soo qaatay xadiisul ALLE (SWT) uu ku yiri: “Ummaddeyda waan u gargaarayaa intay iyagu isku gar-gaarayaan”.

Warbixin gabagabadii kulanka laga soo saaray ayaa lagu xusay in cid kasta oo doonaysa inay gargaarkan ka qaybqaadato ay la xiriiri karaan; walaalaha kala ah: Baaba Ciise oo laga heli karo 0046736593316 iyo Cali Yalxow oo laga heli karo isagana, 0046736702852, Sahra Sh. Nuur oo iyadana laga heli karo; 0046735803250 iyo Axmed Salaad oo laga heli karo; 0046739924703/ 0046734958355.

Gargaarkan ayaa wuxuu qayb ka yahay kuwa ay Soomaalida dibadaha dalka ku sugan ku caawinayaan walaalahooda Soomaaliyeed, isagoo kusoo aaday xili ay abaaro ba’an gobollo dalka ka tirsan ku dhufteen sannadkan.

Daahir Axmed Jeyte
[email protected]