4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 1 , 2014
Wasiirka Arrimaha gudaha & taliyaha booliska Kenya la filayo inay is-casilaan


Isniin, December 01, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya, Joseph Ole Lenku iyo taliyaha booliiska David Kimaiyo ayaa lagu wadaa inay iska casilaal xilalkooda, kaddib weerarro soo noq-noqday oo ay Al-shabaab ka geysanayso gudaha Kenya.

Qoraal lagu daabacay wargeyska Sunday Nation ayaa lagu sheegay saraakiil ka tirsan la-taliyeyaasha madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ay cadaadis ku saarayaan madaxweynaha inay shaqooyinka laga eryo wasiirka arrimaha gudaha Kenya iyo taliyaha booliiska.

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu sheegay in madaxweynaha dalka Kenya uu ku sameyn doono isku-shaandheyn hay’adaha ammaanka dalkaas, taasoo la sheegay inay qayb ka tahay sidii lagu adkeyn lahaa ammaanka dalkaas inta aan la ogeyn fasaxa Kirismiska.

Ma jiraan ilo kale oo xukuumadda ka tirsan oo arrintan xaqiijinaya iyo kuwo diiddan intaba, inkastoo ilo ku dhow-dhow Kenyatta oo is-qariyay ay xuseen inay dhici karto in madaxweynuhu uu isbedel weyn ku sameeyo hay’adaha ku shaqada leh amniga.

"Shacabka Kenya ayaa doonaya in madaxweynuhu uu isbedel ku sameeyo dhammaan hay’adaha amniga dalkaas; isla markaana uu muhiimad gaar ah siiyo amniga,” ayaa laga soo xigtay ilaha ku dhow Kenyatta.

Mudaaharaadayaal Kenyan ah ayaa dhawaan madaxweynaha dalkaas weydiistay inuu ka eryo shaqooyinka taliyaha booliiska Kenya iyo wasiirka waddankaas u qaabilsan arrimaha gudaha iyo amniga, kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay wax ka qaban waayeen amniga gudaha Kenya.

Walaaca ammaanka gudaha Kenya ayaa sare u sii kacay kaddib markii ay Al-shabaab kordhisay weerarrada ay ku qaadayso deegaanno ka tirsan dalka Kenya, gaar ahaan kuwa ku dhow xadka Kenya la wadaagto Soomaaliya.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii Al-=shabaab ay 28-qof oo aan muslim ahayn ku dishay deegaan ku dhow degmada Mandheera ee gobolka Waqooy-bari Kenya, kuwaasoo ka mid ahaa rakaabka bas ku socday magaalada xarunta ah ee Nairobi.

Warbixinta Sunday Nation ayaa sheegaysa in saraakiisha sirdoonka ayaa wargaliyay booliiska inta badan weerarradii ay Al-shabaab ka geysanaysay gobolka Waqooyi-bari Kenya iyo magaalooyin kale oo dalkaas ka tirsan.

Kooxaha bulshada rayidka ah ayaa iyagana la sheegay inay cadaadis cusub ku saabsan in madaxweynuhu isbedel ku sameeyo haya’daha ammaanka ay ku hayaan, iyadoo war qoraal ah oo si wadajir ah uga soo saareen ay kaga dalbadeen madaxweynaha inuu isbedel sameeyo.

"Xukuumaddu waa inay waajib dastuuri ah sameyso si loo ilaaliyo shacabka Kenya," ayay yiraahdeen ururrada bulshada rayidka Kenya, iyagoo intaas ku daray. "Xukuumadda waa inay wax ka qabato xubnaha guuldarreystay.”

Si kastaba ha ahaatee lama oga xilliga ay Lenku iyo Kimanyio ay xilalka iska casilayaan, iyadoo arrintan ay tahay mid si aad ah looga hadla hayo maanta oo Isniin ah gudaha dalka Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliyaa