4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 1 , 2014
Qarax uu ku dhaawacmay hal qof oo ka dhacay Suuq ku yaalla Gaarisa-Kenya

Isniin, December 01, 2014 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhaawacmay qarax shalay oo Axad ahayd ka dhacay suuq ku yaalla magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya oo ku dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Weerarkan ayaa imanaaya xilli feejignaani ay ka jirto deegaannada ku yaalla waqooyiga-bari Kenya, kaddib weerarkii ay Sabtidii lasoo dhaafay ay xoogag taabacsan Al-shabaab ku dileen deegaan ku dhow Mandheera 28-qof oo Kenyan ah, kuwaasoo la socday bas ku wajahnaa magaalada Nairobi.

Kenya ayaa bartilmaameed u ahayd Al-shabaab tan iyo sannadkii 2011-kii markaasoo ay ciidamadeeda gudaha u gelisay Somalia si ay uga hortagto falal ammaan-darro oo kusoo laalaabtay deegaannada xadka Soomaaliya xiga, kuwaasoo ay mas’uuliyaddooda ku eedeysay Al-shabaab.

Taliyaha booliiska gobolka Waqooyi-bari, Muse Yego ayaa Reuters u sheegay in sirdoonka gudaha ay xaqiijiyeen in weerarkaas uu fuliyay qof la rumeysan yahay inuu ka tirsan yahay xoogagga Al-shabaab ee Soomaaliya.

“Ciidamada heegan buuxa ayaa la geliyay, si ay uga hortagaan falalkaan oo kale,” ayuu Yego hadalkiisa ku daray, isagoo xusay inaanay gacanta lagu dhigi ruuxii falkaas fuliyay.

Xarakada Al-shabaab ee Somalia ayaa sheegay mas’uuliyaddii weerarkii ka dhacay suuqa ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi, kaasoo ay 67-qof ay naftooda ku waayeen. Sidoo kalena waxay kooxdu sheegatay weerarradii lagu qaaday deegaannada Lamu ee dalka Kenya.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa ku goodisay inay sii wadaydo weerarrada ay ka geysanayso dalka Kenya, sidoo kalena ay weerarro ku qaadi doonto gabi ahaan dalalka ay ciidamadu kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliyaa