4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 1 , 2014
Hay’adda culumada oo dowladda ugu baaqday inay xoog ku joojiso colaadaha


Isniin, December 01, 2014 (HOL) — Hay’adda culummada Soomaaliyeed ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqday inay awood u isticmaasho sidii ay ku joojin lahayd colaadaha u dhexeeya beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dagaalamaya gobolka Galguduud.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha hay’adda culummada oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa xusay in colaadaha taagan looga baahan yahay in la joojiyo, wixii la isku hayana lagu dhameeyo hab diinta Islaamku ay mudan tahay.

“Dowladda waxaan ugu baaqaynaa inay awoodeeda u adeegsato sidii ay ku joojin lahayd colaadaha beelaha ee soo laalaabtay. Sidoo kale waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada dagaalamaya inay colaadaha joojiyaan, nabadna ay ku dhammeeyaan khilaafyada u dhexeeya,” ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Guddoomiyaha hay’adda culummada ayaa sheegay in dagaal uusan wiil ku dhalan ee uu wiil ku dhinto, diinta islaamkuna aysan ogoleyn in laba qof oo muslim ah ay dagaalamaan, sidaa daraaadeedna ay dhinacyada ku dagaalamaya gobolka Galguduud ugu baqayaan inay colaadaha joojiyaan.

Wararkii ugu dmabeeyay ee ka imaanaya deegaannada lagu dagaalamay ayaa sheegaya in ay haatan yihiin kuwo xasilloon, ayna ku naf-waayeen dagaalladaas in ka badan 50 ruux, kuwaasoo isugu jira shacab iyo dhinacyadii dagaalamayay.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Galguduud, Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay inuu ahaa mid u dhexeeya dad reer miyi ah oo hubeysan, isagoo xusay in xiisaddu ay hadda daggan tahay, laguna gudo jiro sidii dagaalladaas lagu joojin lahaa.

“Colaaddan runtii waa mid dhibaato badan geysatay, macno ma malahn in la yiraahdo intaas ayaa dhimatay, balse waxaan xaqiijinayaa in dagaalladu ay joogsadeen hadda, laguna gudo jiro sidii loo dhameyn lahaa waxyaabihii ay ka dhasheen dagaalladan,” ayuu yiri Cirfo oo u warramayay BBC-da.

Dagaalladan oo ka billowday barkad laga qodayay deegaanka War-shubo oo 100-km u jirta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa sababay inay dadweynihii deegaannadaas ku noolaa isaga barakacaan, balse haatan lagu jiro sidii lagu joojin lahaa dagaalka, inkastoo ay weli xiisado jiraan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliyaa