4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 20, 2013
Magaalada Columbus ee Gobolka OHIO oo looga diyaar-garoobayo sidii lagu soo dhaweyn lahaa Madaxweynaha Soomaaliya

Jimco, September 20, 2013 (HOL) —Soomaalida ee ku nool magaalada Columbus, Ohio ee dalka Mareykanka ayaa waxay diyaar-garow xooggan ugu jiraan sidii ay ku soo dhaweyn lahaayeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminay, kuwaasoo la filayo inay gaaraan Columbus maalinta Axadda ah oo ay bishan ku beegan tahay 22-ka.

Waxaa la qorsheeyay in madaxweynuhu la kulmo bulshada Soomaaliyeed oo uuna ka qayb-galo xaflado soo dhaweeyn ah oo lagu qaban doono hoteel-ka Hilton ee Polaris habeenka Axadda 7PM-11PM oo ay ka soo qeybgali doonaan madaxda gobolka iyo degmada Columbus iyo qeybaha kala duwan ee dadka ku nool gobolkaas.

Marwo Khadra Mohamed oo ka mid ah guddiga ku howlan soo dhoweeynta madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa sheegtay in Soomaalidu ay diyaar-garow xoog leh ugu jiraan sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen madaxda dalkooda.

“Waxaa i farxad-gelineysa isku duubnida iyo wadajirka ka muuqda bulshada iyo in dadku u baraarugay inay madaxda dalkooda garab istaagaan ayeey tiri Khadra. Hodan Muxumad Tiir oo ka mid ah gabdhaha Soomaaliyeed ee abaabulaaya soo dhoweeynta madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa sheegtay in ay reer Columbus si fiican u soo dhoweyn doonaan madaxdooda ayna u muujin doonaan shacabka Mareeykanka in Soomaalidu wacyigooda kordhay oo ay garowsadeen in ay isku duubnaadaan.

Subaxa Isniinta, 23ka Sebteembar, Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud wuxuu khudbad dheer ka jeedin doonaa Jaamicadda Ohio State University iyada oo Madaxweynaha iyo wafdigiisu ay la quraacan doonaan madaxda Jaamicadda Ohio State subaxaas. Waxaa buux dhaafay dadkii loogu talo galay in ay is diiwaan geliyaan  xafladda Jaamicadda Ohio State oo ay hadda qabanayaan oo keliya dad boos sugayaal ah (waiting list).

Xildhibaan Mohamud Boonow oo ka mid ah guddiga qabanqaabada ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu ku soo dhoweeyo madaxweynaha iyo wafdigiisa Magaalada Columbus oo uu deggan yahay oo uuna u baajiyey safar oo uu ku laaban lahaa dalka si uu u uga qeybgalo kal-fadhigii saddexaad ee furitaanka baarlamaanka. Guddiga soo dhoweeynta madaxweynaha oo ay ka mid yihiin rag iyo haween mug ku leh jaaliyadda Columbus ayaa aad u sugaya in ay mar uun ku soo dhoweeeyaan madaxweynaha iyo wafdigiisa gobolka Ohio oo ay deggan yihiin Soomaali lagu qiyaaso ilaa iyo 50,000 oo qof.

Cabdulqaadir Cali Cabdi (Xuurka)
Hiiraan Online, Columbus