4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 17, 2013
Shir looga hadlay gargaarka bani'aadamnimo ee Soomaaliya oo ka dhacay Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota

Talaado, September 17, 2013 (HOL) — Shir looga hadlayay arrimaha gar-gaarka bini’aanimada ee Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay Magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota, waxaana shirkaa

s soo qaban-qaabiyay hey’adda  caafimaadka ee International Medical Coops, waxaana fududeynayay  xildhibaan Keith Ellison oo laga soo doorto magaaladda Minneapolis.

Safiirkii hore ee Mareykanka ee wadanka Congo  William Garvelink oo ah la taliya hey’adda International Medical Coops oo ka mid ah hey’adaha ugu waaweyn ee dalkan Mareykanka u qaabilsan arrimaha gar-gaarka deg degga ah ee caalamka ayaa su’aalo dhowr ah laga weydiiyay shaqada ay ka qabtaan dalka Soomaaliya.

“Waxaan ka shaqeynaa koofurta, bartamaha iyo goboladda Somaliand ee Soomaaliya, waxaan tababarnaa shaqaalaha caafimaadka, waxaan qalabeynaa Isbitaalada, inagoo caawina bukaanada caafimaadka, haweenka uurka leh,  carrruurta iyo bukaanada nafaqadaridu heyso” ayuu yiri Ambassador Garvelink

Wuxuu sheegay in jawaabaha ay ka bixiyaan baahiada bini’aadanimo ay tahay mid deg deg ah, isla markaana si taxadir leh ay dadka u gaarsiiyaan gar-gaarka ay doonayaan, kaas oo ka madax bannaan musuq-maasuq iyo gacan togaaleysi.


“Dhinaca kale dadka Soomaaliyeed waxaan ka caawineynaa inay gaaran isku filnaasho, waxaanse u baahanahay talada qof kasta oo Soomaali ah, si shaqadeenu u noqoto mid lagu manaafacaado, waxaanse ku wareersanahay  arrimaha dhexdiina sida qabiilka iyo qabyaaladda” ayuu sii daba dhigay Ambassador William Garvelink.

Dajire Garvelink ayaa dhinaca kale sheegay inuu aaminsayahay in wakiilka cusub ee xoghayahaa guud ee Qaramada Midoobay Nick Kay uu  wax  badan ka badili karo arrimaha Soomaaliya ee cakiran “Waa nin saaxiibkey ah oo aan ka wada shaqeynay wadanka Congo maadaama aan aheyn laba safiir oo laba dal kala matalayay, waana howl kar maskax furan” ayuu xusay Garvelink.

Shirkan waxaa fikradahooda ka dhiibanayay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota,  waxayna sheegeen in dalka Soomaaliya uu kaliya u baahanyahay nabad galiyo iyo xasilliin.

“Waxaan heysannaa kheyraad naga badan oo xitaa aan caawin karno dalal kale oo deris ah ama naga fog, waxaan leenahay dhul beereed aad u ballaaran, waxaan leenahay badda ugu dheer Africa, waxaan  leenahay laba wabi oo muhiim ah, ganacsigana waan ku fiicanahay” ayuu yiri Cabdi Dheere oo ka mid ahaa dadkii ka soo qeyb galay shirkan.

Warbixinta Cabdi Dheere waxaa ku raacay Congressman Keith Ellison oo magaalada Muqdisho booqday  bishii February ee sanadkan  iyo Ambassador  Garvelink oo sheegay in safarkii ugu horeeyay uu Soomaaliya ku tagay sanadkii 1981.

Maxaa Soomaaliya ku soo celiyay cudurka Dabeysha?

Ambassador Garvelink oo su’aashaas ka jawaabaya ayaa yiri: “Waxaan aamisanahay in ciidanka horudhaca ah ee Nabad ilaalinta ee ka socda dalka Nigeria ay la yimaadeen cudurka dabeysha ee Polio, waayo dalka Nigeria wuxuu ka midyahay dalalka aan weli laga dabar goyn cudurkan”

Keith Ellison iyo dadaalkiisa Soomaaliya

Congressman Keith oo  shirkii maanta daadihinayay ayaa ka codsay qurbajoogta Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka inay la shaqeeyaan hey’adda gar-gaarka ee International Medical Corps.

“Waan idinka caawin karaa inaan si wada jir ah u aruurino lacagaha gar-gaaarka, aan si wada jir ah xiriir u yeelano una wada shaqeyno”

Mataaneynta Mogadishu iyo Minneapolis

Keith wuxuu sidoo kale xusay inuu ka shaqeynayo sidii loo mataaneyn lahaa magaalooyinka Muqdisho iyo Minneapolis, wuxuuna sheegay inay diyaarinayaan mashaarciis iyo kulamo muhiim ah, si buslashada SOomaaliyeed ee halkan ku nool ay u ogaadaan muhiimada ay leedahay wax wada qabsiga.

Shirka Black Caucus iyo arrimaha Soomaaliya

Congressman  Keith ayaa sheegay inuu maalinta berri ah uu u duuli doono magaaladda Washington halkaas oo uu ka dhici doono shir ay iskugu imaanayaan 43  xildhibaanada (Congressional Black)  oo Mareykna ee asal ahaan ka soo jeeda qaaradda Africa .

“Shirkan sanad kasta waxaa looga hadlaa xaalad ay muhiim tahay in la qadariyo oo heysata dal gooni ah ama qoomiyad ka mid ah qoomiyadaha ‘Madow’, sanadkan waxaan xoogga ku saari doona sidoo arrinta Soomaaliya waxa looga qaban lahaa, waxaana ka mid ah dadka u ololeeya arrintan” ayuu yiri Congressman Keith Ellison.

Kulnka Banki-moon iyo Keith Ellison

Congressman Keith wuxu sheegay inuu la kulmi doono xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Ban Ki-moon, wuxuuna sheegay in waxyaabaha ugu weyn ee uu kala hadli doono tahay arrimaha gar-gaarka  gaar ahaan halista ka imaan karta haddii la xiro akoonada xaawaaladaha Soomaaliya ee banigiyada caalamka.

Mogadishu Public Library

Xildhibaanku wuxuu sheegay in mashruuca ballaaran ee Mogadishu Public Library uu u baahan yahay lacag gaareysa 6,000 oo dollar oo lagu iibiyo buugaag gaareysa 22-kun , kuwaas oo dadka Soomaaliyeed aqoontooda kor u qaadi doonta, faa’iidana u leh bulshada geeska Africa,  wuxuuna  sheegay inuu olole ugu jiro sidoo uu ku hirgali lahaa Library weyn oo laga dhiso magaaladda Muqdisho.

Faarax Blue, Hiiraan Online
fblue@hiiraan.com
Minneapolis, Minnesota