4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 19, 2013
Dowladda Somalia iyo AMISOM oo ka hadlay Weerarkii Maanta lagu Qaaday Xarunta Hay’adda UNDP ee Muqdisho

Arbaco, Juun 19, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa ka hadlay weerarkii Al-shabaab ku qaaday xarunta UNDP ee Muqdisho, iyagoo ku tilmaamay mid waxashnimo ah oo aan guuldarreystay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay weerarkaas, waxaana uu Mudane Saacid sheegay inuu ahaa mid dareen la’aan ah oo xarun ay leedahay hay’ad u adeegta shacabka Soomaaliyeed.

“Si adag ayaan u cambaareynayaa weerarka dareen la’aanta ah ee maanta lala beegsaday xarunta UNDP ee Muqdisho. Qaramada Midoobay waa saaxiib aan leennahay oo gargaar aadamnimo siiya shacabkeenna, sidaa daraadeed aniga iyo shacabka Soomaaliyeed waanu ka xunnahay beegsiga xaruntaas,” ayuu ku yiri ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) warka uu kasoo saaray xafiiskiisa.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed uu ku wargelinayo in dhawaan ay ciidammo gaar ah billaayaan howlo lagu sugayo ammaankooda iyo amaanka xarumaha hay’adaha gargaarka.

“Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, waxay sida ugu dhaqso badan ku billaabayaan howlgallo looga hortagayo qaraxyada iyo weerarrada noocan oo kale ah,” ayuu hadalkiisa raaciyay, isagoo sheegay inay aad uga xun yihiin weerarkaas iyo khasaarihii ka dhashay.

Isagoo sii hadalaya ayuu yiri: “Waxaan ducooyin u diraynaa saaxiibbadeen Qaramada Midoobay, waxaan u sheegayaa in Al-shabaab aysan doonayn in nabadi ay dhacdo, isla markaana aysan joojinayn dhibaatooyinka noocan oo kale ah, balse wax guul ah kuma gaarayaan.”

Dhanka kale, AMISOM ayaa iyaduna warsaxaafadeedkeeda ku sheegtay in ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Somalia, Danjire Maxamed Saalax Anaadiif uu si adag u cambaareynayo weerarkii argagaxiso ee lagu qaaday xarunta Qaramada Midoobay lagu qaaday maanta.

“Waxaan si adag u cambaareynaynaa weerarkaas fulaynida ah ee maanta lagu qaaday xarunta UNDP ee Muqdisho. Weerarkaas aragagaxiso waa mid ay Al-shabaab ku doonayso inay uga hortagto horumarka socda ee ay kaga baxayso Soomaaliya dhibaatooyinkii ay muddada dheer kusoo jirtay. Innagu waxaan xaqiijinaynaa inaan gacan siinayso shacabka iyo dowladda Somalia,” ayuu Anaadiif ku yiri warsaxaafadeedka.

Ugu dambeyn, ergaygu wuxuu sheegay inuu u mahadcelinayo ciidamadii ka geystay gacanta in xarunta UNDP laga difaaco Al-shabaab, isagoo tacsi u diray ehellada dadkii naftooda ku waayay weerarkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya