4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 15, 2013
Madaxweynaha Somaliland oo Qasriga madaxtooyada ku casuumay ardayda dhagooleyaasha ah ee gobolladda Somaliland


Sabti, June 15, 2013(HOL)— Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan balaadhan ugu sameeyey Ardayda Dhagoolayaasha Somaliland ee wax ka barata dugsiyadda Dhagooleyaasha ee goboladda.

 

Ardaydan ayaa ka koobnaa  5 Dugsi oo ka kala yimid Gobolada Awdal, Togdheer, Maroodi-jeex (Hargeysa) oo ay ka socdeen laba Dugsi iyo Gabiley oo ay ka socdeen hal Dugsi.

 

kualnkan ayaa waxa ka soo qayb galay Bulshada qaybeheeda kala duwan, waxaana halkaasi hadalo kooban ka jeediyey masuuliyiinta Dugsiyada oo iyagu ah kuwo dhego qaba, halka Dhogoolayaasha iyaga looga Turjumaayey Madaxda kale .

 

Sidoo kale waxa aad loogu sacaba tumay dadkuna aad ula yaabeen markii uu madasha soo istaagay wiil dhagooleyaasha ka mid ah oo qaadaya heesta Calanka Somaliland oo  inta kalena ay u jiibinayeen iyaga oo ku soo gudbinaaya Af ka dhegoolayaasha.

 


Waxa isna Xusid mudan wiil aad u da' yaraa oo ka mid ahaa ardayda oo madaxweynaha Khudbad u soo jeediyey iyada oo uu ka turjumaayo macalinkiisi oo isna soo bandhigay heerka aqooneed ee ay taagan yihiin Ardaydan Dhegaha-la.

 

Madaxweyne Axmed Siillaanyo ayaa isna u mahadnaqay ardayda iyo macalimiintooda, waxaanu sheegay inuu taageeri doona, isla markaana wax badan la qaban doonno.

 

Waxa iyaguna madaxweynaha ku wehelinayey casuumadda qaar kamid ah wasiiradda oo ay hor socoto wasiiradda waxbarashadda Samsam Cabdi Aadan.





 

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland