4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 1 , 2013
Danjire Augustine Mahiga oo ka warbixiyay hawlihii uu Soomaaliya ka qabtay intii uu ahaa Madaxa Xafiiska UNPOS


Sabti, Juun 01, 2013 (HOL) — Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Augsutine Mahiga oo xilka ka dagaya laba maalmood ee socota gudahood, ayaa waraysigiisii u dambeeyay siiyay VOA, wuxuuna kaga hadlay maraxladihii Soomaaliya ay soo martay intii uu xilka hayay.

Ergayga ayaa dib ugu laabanaya magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay, wuxuuna dhexdhexaadiye sare ka noqon doonaa xafiiska siyaasadda ee Qaramada Midoobay.

Danjire Mahiga iyo xafiiskii uu madaxda ka ahaa ee UNPOS waxaa beddeli doonaa xafiiska United Nations Somalia Mission (UNSOM) oo uu madax ka noqon doono Nicholas Kay oo u dhashay dalka Biritan.

Mahiga waxaa soo magacaabay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon bishii Juun 09-keedii sannadkii 2010-ka, waxaana ay shaqadu kaga eg-tahay 03-da bishan Juun oo ku beegan Isniinta soo socota ee toddobaadkan.

DHAGEYSO: Waraysiga Danjire Mahiga

Danjiraha ayaa sheegay inuu ku laaban doono New York kaddibna uu qoraal iyo dokumiintiyo ka samayn doono hawsha uu ka qabtay Soomaaliya intii uu xilka hayay sida dhamaysrtirka kala-guurka iyo xallinta khilaafaadka si ay uga faa’idaystaan Soomaalida iyo Qaramada Midoobay.

Waxaase uu danjire Mahiga siiyay VOA-da laanteeda afka Soomaaliya ayuu ku sheegay in Soomaaliya iyo dadkeeduba ay qayb ka ahaan doonaan dhiigiisa oo aanu illaabi doonin.

Waraysi gaar ah oo danjire Mahiga ayuu kaga hadlay doorkii uu ka ciyaaray kala-guurka siyaasadeed ee Soomaaliya, dhammeynta xilligii kala-guurka iyo xallinta khilaafaadka Soomaaliya.

Xigasho: VOA