4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 1 , 2013
Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaliya Prof. Cabdiweli Gaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey Dalka Australia (SAWIRRO)


Saturday, June 01, 2013 - Sydney, Australia - Qeybaha kala duwan ee Soomaalida degan gobolka New South Wales gaar ahaan magaalada Sydney ayaan u kala hadhin xaflad weyn oo lagu soo dhaweeyey R/Wasaarihii hore ee Somalia Prof. C/Weli Maxamed Cali Gaas.  Xafladan waxaa soo qaban-qaabiyey Jaaliyada Soomaalida ee Sydney oo ay hormood ka yihiin C/llaah Faarax (Cabdalla Teel) oo ah Guddoomiyaha Australian Somali Community Association of NSW, ku xigeenkiisa oo ah Mudane Axmed C/llaahi Maxamed (Brigato) oo isagu xafladan si heer sare ah u daadihinayey, Maxamed Macallin iyo Siraaje C/llaahi Cismaan oo iyaguna ku hadlayey magaca odayaasha Sydney, Xassan Jaamac oo ah weriye ka tirsan SBS, ahna khasnajiga Australian Somali Community Association of NSW iyo Saalaxo iyo Haboon oo iyaguna ka socday haweenka Soomaaliyeed ee Sydney.

Qudbada uu halkaasi ka jeediyey Prof C/Weli ayaa ku saabsanayd sidii qurba joogta reer Sydney ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka Somalia, hadalkaas oo nuxurkiisu ahaa “Australia dhexdeeda qiimo ku lahow, si aad wax ugu qabatid Soomaaliya”.

Dhinaca kale, waxa jiray wafti Prof. Cabdiweli ka soo raacay magaalada Melbourne oo ay ka mid yihiin  qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiga Australia Mudane Yoonis Yaasiin Xaashi, C/Raxiim Abiikar oo ah xildhibaan ka tirsan Dowlada Federalka Soomaaliya, Dr. Cali Nuur Ducaale oo ahaa Wasiirul Dowlihii xafiiska R/Wasaaraha dowladii Prof. C/Weli Gaas, General Maxamed Cali Catoosh oo ahaa wasiir ku xigeenkii hore ee gaashaandhiga, Dr. Maxamed Cabaas oo isagu ah guddoomiyaha ururka African-Australian Literary Association, Yaasiin Maxamed Faarax, Cali Gaas iyo xubno kale. Xaflada ayaa ku soo dhamaatay jawwi aad u wacan.

Hiiraan Online - Australia