4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 1 , 2013
Dagaal Ciidamada AMISOM & Al-shabaab ku dhexmaray duleedka Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellada Hoose

Sabti, Juun 01, 2013 (HOL) — Dagaal culus ayaa ciidanka dowladda Somalia, kuwa AMISOM iyo Al-shabaab ku dhexmaray shalay oo Jimco ahayd duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose, dagaalkaas oo sababay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac.

Wararka laga helayo deegaanka lagu dagaalamay ayaa waxay sheegayaan in dagaalka ay ku dhinteen 10-qof oo dhinacyadii dagaalamay ah tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

AMISOM oo ka hadashay dagaalka ayaa sheegtay inay fashiliyeen weerar ay Al-shabaab kusoo qaaday ciidammo ka tirsan kuwooda oo dayactir ka waday jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye, ayna gacanta ku dhigeen dhaawacyada qaar ka mid ah xoogaggii Al-shabaab ee dagaalka la galay.

Ma sheegin AMISOM khasaare kasoo gaaray dagaalka, iyadoo wararka laga helayo deegaanka ay sheegayaan in mid ka mid ah gaadiidkii dagaalka ee AMSIOM ay leedahay lagu gubay goobta uu dagaalku ka dhacay.

“Intii dagaalku socday ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxay gacanta ku dhigeen dagaalyahanno Al-shabaab ah oo dhaawacyo ay soo gaareen. Sidoo kale waxaan helnay hub isugu jira, waxyaabaha qarxa iyo rasaas,” ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxday AMISOM.

Taliyaha guud ee ciidamada AMISOM, Jen. Andrew Gutti ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howgallada ay Al-shabaab kaga saarayaan deegaannada ay weli ku sugan yihiin, si gargaarka bani’aadamnimo loo gaarsiiyo goobaha ay ku sugan yihiin dadka u baahan. Waxaan sidoo kale sii wadaynaa dadaallada aan ku sameynayno dayactirrada waddooyinka.

Xarakada Al-shabaab oo iyaduna dagaalka ka hadashay ayaa sheegay inay khasaare xooggan ugu geysatay ciidamada AMISOM, balse ma sheegin wixii khasaare ah oo iyaga kasoo gaaray dagaalka.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in weerarku uu ahaa mid si aad ah uga shaqeeyeen kuna guuleysteen, wuxuuna xusay inay gaari dagaal ka gubeen ciidamada AMISOM, askar badanna ay ka dileen.

Waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo oo ah midda uu dagaalkaani ka dhacay ayaa furnayd bishii ugu dambeysay, kaddib markii ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay Al-shabaab kala wareegeen degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya