4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 8 , 2013
Askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo caawa fiidkii ku toogtay Magaalada Baydhabo Haweeney Rayid ah

Isniin, July 08, 2013 (HOL) — Askari ka tirsan ciidamada dowladda Somalia ee ku sugan Baydhabo ayaa caawa fiidkii ku toogtay degmadaas haweeney rayid ah oo dhashay sideed caruur ah, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay in askarigu uu toogto haweeneydaas.

Haweeydan ayaa waxaa la toogtay 7:30 fiidnimo xilli ay doonaysay inay ka soo baxdo gurigeeda, waxaana la sheegay in askariga toogtay uu muddo hor-fadhiyay gurigaas, iyadoo askariga ay u suurogashay inuu baxsado.

“Gabadha la dilay waxaa qabay nin macallin Qur’aan ah oo lagu magacaabo Macallin Yuusuf Macallin Shariif, waxayna ifka uga tagtay sideed caruur ah oo ay dhashay, askarigii dilayna wuu baxsaday,” ayay yiraahdeen dad ay daris ahaayeen qoyskan.

Waa qofkii labaad ee ay dilaan askarta ciidamada dowlada ee ku sugan magaalada Baydhabo 24-kii saac ee ugu dambeeyay, iyagoo habeen hore ku dilay isla magaalada Baydhabo nin xoogsato ah oo guryaha dhiso.

Sidoo kale, ilaaladii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta Baydhabo soo gaaray ayaa waxay rasaas ku fureen nin gaari dameer watay, iyadoo goobta uu ku dhintay dameerkii halka ninkii watayna uu dhaawac soo gaaray.

Hiiraan Online, Baydhabo