4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 19, 2013
Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somalia oo Shaaciyay in Madaxweynaha Somalia uu u gudbiyay Warqad uu isku casilayo


Khamiis, September 19, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya, C/salaam Cumar Hadliye ayaa sheegtay khamiista maanta ah in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe ay uga qaadayso xilka uu hayo oo loo magacaabay toddoba bilood ka hor, isagoo mar kale si adag u diiday eedeymihii ay u soo jeediyeen guddiga la socodka cunno-qabteynta dalalka Soomaaliya iyo Eritrea.

Eedeymahan ayaa ahaa kuwo guddoomiyaha bankiga dhexe lagula xiriiriyay musuqmaasuq ku saabsan lacago malaayiin doollar ah oo warbixinta lagu sheegay in lagala baxay bankiga dhexe ee Soomaaliay, taasoo dowladda Soomaaliya ay gaashaanka ku dhufatay.

Guddiga la socodka cunno-qabteynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa bishii July ee sannadkan warbixin ay soo saareen ku sheegay in bankiga ay lacag kala baxeen mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, guddoomiyaha bankiga dhexena uu fududeeyay lacagahaas lagala baxay bankiga.

C/salaam Cumar Hadliye ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu 13-kii bishan u sheegay in isbedel lagu sameynayo bankiga dhexe ee Soomaaliya, isaguna uu isla maalintaas warqaddiisii uu xilka uga tagayay u gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxay la halgamaysaa sidii ay u hagaajin lahayd hay’adaha dowladda gaar ahaan maamulka lacagta kaddib 22-sano oo colaado iyo qas uu dalku ku jiray. Iyadoo beesha caalamku ay dhowr jeer oo hore xukuumadda ka codsatay in la hagaajiyo maamulka lacagaha si loo ogaado halka ay maraan lacagaha Soomaaliya loogu deeqo.

“Haddii madaxda dowladdu go’aansadeen inay xilka iiga qaaddo warbixintii ay guddiga Qaramada Midoobay soo saareen, aniga waxaa go’aansaday in aan iscasilaaddeyda gudbiyo,” ayuu C/salaam Cumar Hadliye ku yiri wareysi uu siiyay wakaaladda wararka Reuters isagoo ku sugan Nairobi.

Sidoo kale, C/salaam Hadliye wuxuu sheegay inuu toddobaadka soo socda uu ku laaban doono magaalada Muqdisho si uu xilka isaga wareejiyo, isagoo xusay inay ka go’an tahay inuu shaqada ka tago, maadaama tuhunno ay weli jiraan.

Warar hoose oo la helayo ayaa sheegaya in dowladdu ay ku bedelayso hadliye aqoonayahand lagu magacaabo Yusur Abraar oo bankiyo ganacsi oo dibadda ah horay uga soo shaqeysay, taasoo noqon doonta guddoomiyihii uug horreeyay oo haweeney ah oo loo magacabo bankiga dhexe ee Somalia. Balse madaxda dowladda Soomaaliya weli ma aysan sheegin cidda lagu bedeli doono C/salaam Hadliye.

Dowladda Soomaaliy ayaa dhawaan sheegtay in hay’ad la talin oo FTI lagu magacaabo iyo guddi baritaan oo saldhiggoodu yahay Mareykanka ay soo saareen warbixin ay ku beeninayaan, warbixintii ku saabsanayd musuqa ee ay horay u soo saareen guddiga cunno-qabateynta Qaramada Midoobay ee UN-ka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya