4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 19, 2013
Wararkii ugu danbeeyay dab khasaare geystay oo ka kacay kaalin shidaalka lagu iibiyo degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan


Khamiis, September 19, 2013 (HOL) — Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaray degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ugu danbeytii lagu guuleystay deminta dab maanta ka kacay kaalin shidaal oo ku taala degmadaas.

Qof ku sugan degmada Buula-burte oo goor aan xiriir la sameynay ayaa sheegay in dabka oo aan ilaa iyo hadda la ogeyn sababaha rasmiga ah ee dhaliyay uu ku fiday intii uu socday goobo ganacsi oo ka ag dhowaa kaalinta shidaalka, waxaana halkaa ku baaba'ay ayuu sheegay qofka la hadllay HOL dhamaan wixii hanti ah ee yiillay goobaha ganacsiga ee uu dabka saameeyay.

“Marka laga soo tago kaalinta shidaalka ee uu dabku ka kacay waxaa uu sidoo kale saameyn xoog leh ku yeeshay ilaa Lex goobo ganacsi ah oo ka ag-dhowa kaalinta shidaalka, kuwaas oo wixii hanti ahaa ee yiillay ay bas beeleen,'' ayuu yiri goob joogaha oo ka cudur daartay in magaciisa la xigto.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in aysan jiran dad ay dabkaas waxyeello kasoo gaartey, laakiin uu khasaare ballaaran gaarsiiyay ganacsatadii laheyd goobaha uu ku faafay dabka oo ay mudo qaadatay damintiisu.

“Dhibaatada ugu weyn ee na qabsatay waxaa ay aheyd annaga oo aan heysan wax dab-damis ah, gurmad fiicanna lagama hellin maamulka halkan ka jira, laakiin waxaa dadaal xoog leh sameeyay bulshada degmada oo markii danbe ku guuleysatay in ay dabka damiyaan,'' ayuu yiri goob-joogaha.

Ma'aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale uu dab uga kaco degmada Buula-burte, laakiin waxaa la leeyahay dabkan ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee waayadan soo mara degmadaas.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya