4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 19, 2013
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo Maanta Qaybaha Bulshada kulan kula yeeshay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay


Khamiis, September 19, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta kulan la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo ergooyinka ku shirsan magaalada Baydhabo, isagoo kala hadlay sidii xal looga gaari lahaa muranka ku saabsan maamul u sameynta lix gobol oo ku yaalla Koonfurta iyo Galbeedka Soomaaliya.

Xubnihii uu Prof. Jawaari la kulmay ayaa waxaa ka mid ahaa: haweenka, aqoonyahannada, bulshada rayidka iyo nabaddoonnada iyo siyaasiyiinta, kuwaasoo uu ku jiray wasiir u dowlihii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya xilligii dowladdii Kacaanka, Dr. Maxamed Cali Xaamud iyo ergooyin kale oo ka yimid dalka dibaddiisa si ay uga qaybgalaan shirka Baydhabo ka socda.

Shirweynaha looga hadlayo maamul u sameynta goballada Koonfurta iyo Galbeedka Soomaaliya ayaa weli la isku afgaran la’yahay, kaddib markii uu dhashay muran ku saabsan gobollada maamulka loo sameynayo, iyadoo ay ku adkeysanayaan waxgaradku in gobollada maamulkaas loo sameynayo ay tiradoodu lix noqoto, halka xildhibaannada baarlamaanka ee ku sugan Baydhabo ay soo jeediyeen in saddex gobol oo keliya lagu soo koobo.

Berri oo Jimco ah ayaa lagu wadaa in afhayeenka baarlamanka iyo wafdiga uu hoggaaminayo ay dib ugu laabtaan Muqdisho, iyadoo qaar kamid ah xildhibaannadu ay ku hari doonaan magaalada Baydhabo si ay u wadaan howlaha maamulka loogu sameynayo gobollada Koonfurta iyo Galbeedka Soomaaliya.

Dhanka kale, maanta waxaa magaalada Baydhabo soo gaaray gudoomiyahii hore ee gobalka Baay, Cabdifataax Ibraahin Geeseey oo doonayinuu isku sharxo xilka guddoomiyaha gobalka Baay.


Hiiraan Online, Baydhabo