4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 19, 2013
Abaanduulaha ciidamada Xoogga oo u digay dadka sida qaldan u Isticmaala dharka Ciidamada Milarteriga Soomaaliya (SAWIRRO)


Khamiis, September 19, 2013 (HOL) — Taliska ciidamada xoogga Soomaaliya ayaa maanta xarunta rasmiga ah ee wasaaradda gaashaan-dhigga Soomaaliya tababar ciidan ugu soo gaba-gabeeyay cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka, kuwaasoo muddo afar bilood ah uu halkaas tababar uga socdey.

Ciidamada tababarka loosoo xiray ayaa qayb ka ah ciidammo loo diyaarinayo inay mas’uuliyadda ammaanka kala wareegaan ciidamada AMISOM oo haatan gacanta ku haya goobo ay ka mid tahay wasaaradda difaaca ee tababarka loogu soo xiray ciidamadan.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. Cabdirisaaq Khaliif Cilmi oo ka qaybgalay xafladda tababarka loogu soo xirayay ciidamadan ayaa ku boorriyey in ay dhabar-adayg muujiyaan, isagoo uga mahadceliyay tababarkan hay'adda Bancroft oo tababarro siisay ciidamadan oo sugi doona ammaanka xarunta wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

“Cid kasta oo ku xad-gudubta direeska ciidamada xoogga dalka ama si qalad ah u adeegsata tallaabo adag oo sharciga waafaqsan ayaa laga qaadi doona waxaana fulinta arrintan loo diyaariyay ciidammo booliisiyo-milataariyo ah,” ayuu yiri taliye ku xigeenka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Jen. Cilmi.

Sidoo kale, abaanduuluhu ciidamada xoogga dalka ayaa tilmaamay in wixii maanta ka dambeeya ay hogaannada kala duwan ee ciidamada xoogga dalka iyo shaqaalaha wasaaradda gaashaandhigga ay u soo guureen wasaaradda halkaasoo ay ku shaqeyn doonaan, kaddib markii xarunta wasaaradda dib u dhis lagu sameeyay.

Dhanka kale, abaanduulaha ciidamada xoogga dalka ayaa tababar u furay horin kale oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka tababarkaas oo socon doona muddo toddobaadyo ah, isagoo ciidamadan tababarka loo furay ugu baaqay inay si wanaagsan uga faa’iideystaan tababarka.

Arrintaan ayaa qayb ka ah hirgelinta go'aankii kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddanaa dib u dhis iyo qalabeyn dhameystiran lagu sameeyo ciidamada Xoogga dalka iyo guud ahaan ciidamada qalabka sida si loosoo afjaro kooxda Al-shabaab.









Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya