4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 19, 2013
Dab khasaare geystay oo ka kacay goor dhaw goob shidaalka lagu iibiyo oo ku taalla Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan

Khamiis, September 19, 2013 (HOL) — Wararka xiligan naga soo gaaray degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dab xoog leh oo goor dhaw ka kacay goob shidaalka lagu iibiyo uu ku sii fidayo qaar ka mid ah xaafadaha degmada ee ku dhaw dhaw goobta shidaalka ee dab-ku qabsaday.

Dadku ku sugan degmada Buula-burte oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in dabku yahay mid xooggan oo aan ilaa iyo hadda lagu guuleysan in la damiyo, waxaana la maqlayaan qaraxyada ay sameynayaan fuustooyinka shidaalka ee yaala halka uu dab-ka kacay.

“Wax aan kuu sheego ma garanayo gurmad xoog leh ayaa socda, dabka waxaa uu ku fidayaa goobaha ganacsiga ee ku dhaw dhaw kaalinta shidaalka , hadda kuma dhihi karo intaa ayaa dhimatay laakiin bur bur hatiyeed oo xoog leh ayaa jira,'' ayuu yiri qof ku sugan degmada Buula-burte oo HOL goor dhaw la hadllay.

Dhibaatada ugu weyn ee heystay dadka degmada ayaa ah iyadoo aan lahayn adeegii dab-damiska, dadkuna ay adeegsanayaan gacmahooda sidii ay damin lahaayeen dabka oo ah mid sii fidaya.

Dhab ahaan looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabka marka laga soo tago bur burka hantiyeed ee uu geystay.

Wixii kasoo kordha waan idin soo gudbin doonaa...

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya