4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 19, 2013
Xoolo-dhaqatada gobolka Gedo oo ka cabanaya cudurro aanay horay u arag oo oo soo Ridanaya Xoolaha la dhaqdo

Khamiis, September 19, 2013(HOL) - Xoolo-dhaqato ku dhaqan deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa cabasho ballaaran ka muujiyay xanuunno aan la garanayn oo soo ridanaya  xoolahooda.

Xanuunadan oo aan la ogeyn waxa ay yihiin ayaa saameyn ku yeeshay caafimaadka xoolaha, gaar ahaan Ariga, iyadoona xoola-dhaqatadu ay sheegeen in maalin walba tiro aad u badan oo Ari ahi ay cudurradaas u le'daan.

Mid kamid ah xoolo-dhaqatada arrintani saameysay, oo lagu magacaabo Taboow Cabdi ayaa warbaahinta u sheegay in xanuunadani ay yihiin kuwo ku cusub oo aysan hore u arki jirin.

Taabow ayaa sido sheegay in marka ay soo ritaan xoolaha uu neefku dhiig horta ka keenayo halka uu gadaalna ka fuuqbaxayo, isagoo intaas raaciyey in muddo yar kadibna uu neefku u dhimanayo xanuunkaas.

Deegaannada laga soo sheegayo in cudurkani uu ka jiro ayaa waxa kamid ah: Qotiileey, Dagmareer, Sharaawe, Weheloow iyo Mataano oo dhamaantood hoostaga degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Xoolaleyda ayaa sheegaya in ay maalin walba sii badanayaan tirada xoolaha u le’anaya xanuunkan, waxayna sheegeen in deegaanadaas aysan gabi ahaanba joogin dhaqaatiir aqoon u leh dhanka caafimaadka xoolaha.

Xoolo-dhaqatada ayaa ugu dambeyn ka codsaday hay’adaha Qaramada Midoobay ee qaabilsan caafimaadka xoolaha in ay si deg deg ah ugu soo gurmadaan islamarkaana soo gaarsiiyaan daawooyin ay kula tacaalaan xanuunadan faraha ba’an ku haya xoolahooda.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya