4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 19, 2013
Sheekh Maxamed Macallin oo la sii daayay isagoo ka Warbixiyay Sababihii ay Ciidamada dowladdu xabsiga ugu Taxaabeen

Khamiis, September 19, 2013 (HOL) — Xoghayaha warfaafinta iyo arrimaha dibadda ee ururka Xisbul Islaam, Sheekh Maxamed Macallin oo shalay ay xabsiga u taxaabeen ciidan ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa lasii daayay, isagoo ka hadlay sababihii loo xiray.

Sheekh Maxamed Macallin ayaa sheegay in sababta loo xiray ay ahayd war ku saabsan shir ay xubnaha ururka Xisbul Islaam ku yeelanayaan Muqdisho, isagoo xusay in shirkaas laga weydiiyay su’aalo badan oo xog-wareysi ahaa.

 “Ciidammo ka tirsan kuwa nabad-sugidda ayaa xabsiga ii taxaabay waxaana ay igu xireen xarunta xisbiga oo ku dhow garoonka Stadium Muqdisho, balse waxaa la i sii daayay maqribnimadii xalay,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Macallin.

Sidoo kale, sarkaalkan ka tirsan Xisbul Islaam wuxuu sheegay in su’aalo laga weydiiyay hadallo uu ku sheegay shir jaraa’id kuwaasoo ahaa in ururka Xisbul Islaam ay shir ku yeelanayaan Muqdisho, wuxuuna xusay inuu u sheegay sababta ay shirka u qabanayaan, inkastoo uusan sababahaas ka sheegin warbaahinta.

“Alxamdulillaah ciidamadii i xiray ayaa i sii daayay, saacado ayaanna xabsiga ku jiray, haatanna waan ladanahay wax dhib ah oo la ii geystayna ma jiro,” ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh Maxamed Macallin.

Maalmo ka hor ayuu mas’uulkan shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho isagoo ku sheegay shirkiisa jaraa’id in dhawaan ay wadahadallo u furmi doonaan ururka Xisbul Islaam iyo dowladda Soomaaliya, xubnaha ururkoodana ay ku shiri doonaan Muqdisho.

Sidoo kale, Sheekha ayaa dhawaanahan ku celcelinayay in ururkooda uu ka tanaasulay dagaalladii uu ku jiray uuna doonayo wixii hadda ka dambeeya in ay si nabadgalyo ah kula noolaadaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, wuxuu ka hadlay hadal uu shalay VOA-da siiyay xoghayaha golaha shuurada ee Xisbul Islaam, Sheekh Ismaaciil Xaaji Caddoow kaasoo lagu sheegay in xilka laga qaaday, isagoo sheegay in mas’uulka hadlay uu ka maqnaa sannadihii lasoo dhaafay, uuna ugu baaqayo inuu shirka kasoo qaybgalo.

Ururka Xisbul Islaam oo horay ugu biiray Al-shabaab ayaa wuxuu hadda u muuqdaa inuu sii kala jabayo marka la eego hadallada ay mas’uuliyiinta ururkan isku marinayaan warbaahinta, iyadoo hoggaamiyihii ururkaasi uu u xiran yahay dowladda Soomaaliya muddo bilooyin ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya