4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 18, 2013
Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia oo ka Warbixiyay Safarka uu ku joogo Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay (SAWIRRO)


Arbaco, September 18, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ku sugan Baydhaob ayaa ka warbixiyay safarkii uu ku tagay Baydhabo, isagoo sheegay inuu qayb ka yahay qorshayaal ay dowladdu ku doonayso inay gobollada dalka uga hirgeliso maamullo ay shacabku soo doorteen.

Prof. Jawaari oo xalay ku hoyday Baydhabo ayaa kulan la qaatay waxgarad kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool, isagoo xusay in loo baahan yahay in haddii ay dareemeen wax khaldan ay ahayd inay saxaan.

“Waxaan Baydhabo u nimid sidii aan ugala tashan lahayn waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada sidii loo xallin lahaa khilaaf walba oo jira, sidoo kalena looga tashan lahaa maamul loo dhan yahay oo loo sameeyo gobolka Bay iyo gobollada ku dhow,” ayuu hadalkiisa ku daray Prof. Jawaari.

Guddoomiyaha baarlamaanka iyo wafdigiisa ayaan la ogeyn inta casho ee ay ku sugnaan doonaan Baydhabo, iyadoo socdaalkooda uu kusoo beegmayo xilli uu jiro khilaaf xooggan oo u dhexeeya dowladda Soomaaliay iyo weliba waxgaradka gobolka Baay.

“Waxaan doonaynaa in wax walba ay nabad ku dhammaadaan, gogoshii lagu dhameyn lahaa wax walba oo khilaaf ah oo jirana halkan ayay taallaa innaguna diyaar ayaan u nahay inaan idinla hadalno,” ayuu mar kale yiri Prof. Jawaari.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa ka socday maalmihii lasoo dhaafay shir la doonayo in maamul ka madax-bannaan dowladda loogu sameeyo lix gobol oo ku yaalla Koonfurta iyo galbeedka Soomaaliya, laakiin lama oga isbedelka uu socdaalka wefdigani ku keeni doono shirkaas.

Malaaqyada, waxgaradka iyo aqoonyahannada gobollada Bay iyo Bakool ayaa waxay u sheegeen inay xiriirka u jareen dowladda Soomaaliya, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay heshiis la gashay Sheekh Axmed Madoobe.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya