4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 17, 2013
Warmurtiyeed laga soo saaray shirkii ka dhacay Brussels oo lagu taageeray horumarka ay ku tallaabsatay Soomaaliya

Talaado, September 17, 2013 (HOL) — War murtiyeedka kasoo baxay shirkii higsiga cusub ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulankan uu kusoo aaday xilli aad muhiim u ah oo Soomaaliya ay cagta saartay jidkii dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska, kaddib 2e-sano oo ay shacabka Soomaaliyeed ku dhex-jireen colaado kala duwan.

War-murtiyeedku ayaa lagu soo dhaweeyay horumarrada ay Somalia ka gaartay dhinaca ammaanka, iyadoo ammaan loogu soo jeediyay madaxda dowladda sida ay ula shaqeynayaan beesha caalamka iyo dhinacyada Soomaalida ah ee ay taladu ka go’do.

Sidoo kale, waxaa lagu ammmaanay kaalintii ay ku lahaayeen madaxda dalka suuro-gelinimadii shirarkii horay loogu qabtay magaalooyinka London iyo Yokahama oo dalka Japan ku taalla.

“Waxaan caddeynaynaa sida aan ula dhacsanahay isbedelka yididdiillada leh ee Soomaaliya, waxaan dhiirri-gelinaynaa dib u heshiisiinta, waxaana naga go’an inaan taageerno Soomaaliya innagoo aqoosan qaranimada, madax-bannaanida dhuleed iyo midda siyaasadeed ee Soomaaliya, si aan daaha uga rogno taageeradaas waxaan qalinka ku duugnay qorshaha Higsiga Cusub ee Soomaaliya, hirgelintiisana waan ku garab-taagannahay Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Sidoo kale, waxaa lagu yiri war-mutiyeedka: “Heshiiskan waxuu daliil u yahay iskaashi cusub oo ku saleysan isla xisaabtan iyo maareyn beesha caalamka iyo dowladda, baarlamanka  iyo shacabka Soomaaliyeed.”

Qorshahan cusub ayaa Somaliland u qoondeeyay hannaan gaar ah oo u qorsheysan mabaadi’da caalamiga ah ee heshiiska cusub kaasoo lagula dhaqamayo dalalka tababarta yar.

“Taageerista Soomaaliya ayaa ujeedka laga leeyahayna wuxuu yahay sidii mustaqbal wanaagsan loogu abruuri lahaa dhammaan dadka Soomaaliyeed, isla markaana loo xoojin lahaa hanaanka wada-hadalka,” ayaa mar kale lagu yiri warmurtiyeedka kasoo baxay shirkii Brussels ee shalay lagu soo gaba-gabeeya dalka Belgium.

Warmurtiyeedka ayaa lagu sheegay inuuu yahay mid horumarinaya dib u heshiisiin siyaasadeed, taaba-gelinta nabadda, ammaanka, cadaaladda iyo horumar waafi ah oo ay gaarto Soomaaliya.

War-murtiyeedka ayaa lagu ammaanay doorka ay urur goboeedka IGAD iyo Midwoga Afrika ku leeyihiin nabadeynta Soomaaliya. Iyadoo lagu dalbaday in la taageero ciidamada AMISOM lana xaqiijiyo dib u dhiska iyo in la tayeeyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Haweenka, qaybaha kala duwan ee bulshada iyo qurbo-joogta Soomaaliyeed ayaa laga dalbaday inay door ku yeeshaan horumarinta dhinaca ammaanka iyo siyaasadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, war-murtiyeedka waxaa lagu cambaareeyay weerarrada ay Al-shabaab ka geysanayso Soomaaliya, iyadoo lagu soo dhaweeyay shirkii xag-jirnimada looga hadlayay ee dhawaan lagu qabtay magaalada Muqdisho ee ay ka qaybgaleen qaybaha culummada.

Qorshahan caalamiga ah ee The New Deal ee qalinka lagu duugay sannadkii 2011-kii ayaa si gaar ah ugu wajahan taageerista dalalka colaadaha kasoo baxaya ee xaaladoodu aysan cagaha adag ku taagnayn kuna jira xilligii kala guurka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya